Maalinta dabar-goynta Fircooniga oo Muqdisho laga xusay(SAWIRRO)
Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) —Waxaa xarunta Somali Women Development Center (SWDC ) ee magaalada Muqdisho, lagu qabtey munaabasad lagu xusayey maalinta ka hortagga gudniinka fircooniga ah oo ku beegan 6-da February , waxaana munaasabaddaas ka soo qayb galay qaybaha ka duwan ee Bulshada sida : culimaa’uddiin , sharci-yaqaanno, dhaqaatir, dhallinyaro iyo haween.
Ugu horreyn waxaa goobta ka hadley Shiikh Muuse Caga-weyne oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed, waxa uuna sheegey in gudniinku aanu meelna ka soo gelin Diinta Islaamka.
“Waa dhibaato xoogan oo loo geystey Gabdhaha Soomaaliyeed oo halkaa kuwaayey mid ka mid ah tiirarka nolosha banii’aadamka, kuwii sameeyeyna waxay geleen xad-gudub aad u weyn , marka waxaa bulshada looga baahan yahay in ay baabi’iyaan caadadaas xun” Sheekha ayaa sidaas yiri.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:
Sahro Axmed Maxamed oo dhinaca sharciga kala talisa Hay'adda SWDC oo ka hadashey munaasabadda lagu xusayey Maalinta Gudniinka Fircooniga ah ayaa waxay sheegtay, in halku-dhigga sanadkaan uu yahay “IN LA WAAYO GUDNIINKA FIRCOONIGA”.
Sahro ayaa intaas raacisay in gudniinka fircooniga ah looga hortagi karo iyadoo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay si wadajir ah isaga kaashaadaan sidii loo joojin lahaa. Ragga dhallinyarada ah ayey ku boorrisay inay arrintaas qayb libaax ka qaataan.
Dhammaan dadkii kulankaas ka qayb galay ayaa ku dheeraaday dhibaatada uu gudniinka fircoonigu leeyahay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in looga takhaluso, maadaama uu yahay dhaqan xaaraan ah oo dhibaato weyn ku reeba gabdhaha Soomaaliyeed.
Maxaemed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
More News
- Wadaad caan ahaa oo caawa magaalada Muqdisho lagu diley
- MUQDISHO: Shirkadda Hormuud oo jartay adeeggii internetka ee 3G
- Kulan looga hadlay ammaanka oo Muqdisho lagu qabtay(SAWIRRO)
- Madaxweynaha Puntland oo ciidammo gaar ah wata oo Muqdisho si weyn loogu soo dhaweeyay (SAWIRRO)
- Dagaal ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee G. Hiiraan
- Xiriirrada K. Koleyga Soomaaliya Iyo Masar oo wadashaqeyn yeeshay
- WASIIR GUULEED " waa muhiim in amniga laga wada shaqeeyo"
- Waqtiga la aasayo ra'iisul wasaarihii hore ee dalka oo la shaaciyey