4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 6 , 2014
Xiriirrada K. Koleyga Soomaaliya Iyo Masar oo wadashaqeyn yeeshay




Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) --Xiriirka Kubadda Kolayga Soomaaliyeed ayaa dib u soo celiyay wada shaqayntii kala dhaxeysay dhiggiisa dalka Masar ,kaddib kulamo miro-dhal ah oo labada dhinac ku dhex maray magaalada Qaahira.

Madaxweyne  ku xigeenka Xiriirka kubadda Koleyga Soomaaliya  u qaabilsan arimaha horumarinta iyo farsamada Marwo Xaawo Sheekh Axmed (Xaawo Taako) oo Soomaaliya meteleysay ayaa kulanka la qaadatay madax matalaysay Kubadda Kolayga Masaarida.

"Booqashadii aan ku tagay Qaahira Asbuucii hore waxaan kula kulmay madaxweynaha kubadda Kolayga Masar Magdy Abo-frekha iyo ku xigeenkiisa Mr. Maxamed iyo xubno sar-sare"ayey tiri Xaawo Taako oo war ka soo saartay kulamadii labada dhinac dhex maray.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in go'aan lagu gaaray sidii loo hormarin marin lahaa xiriirka labada dal ee dhinaca isboortiga.iyadoo xustay in la qaban doono ciyaarro saaxiibtinimo oo  kubadda Kolayga ah oo ay wada  yeelan doonaan Soomaaliya iyo Masar mustaqbalka dhow.

"Ka hor intuu uusan dhicin bur-burka dalka waxaan kamid ahayn qaramada ugu xoogan dhinaca kubadda Kolayga ee Afrika ,balse dib dhac weyn ayaa yimid waxaan doonaynaa inaan dib u diyaar garowno"ayey mar kale ku sheegtay warka ay ka soo saartay kulankii dhacay.

Xog-hayaha guud ee xiriirka kubadda Kolayga Carabta  Hanafi Abu Dhalha ayaa isna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in dib loo soo nooleeyay xiriirkii ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo carabta inteeda kale ee dhinaca Isboortiga.

Ugu danbayntii Xaawo Sheekh Axmed (Xaawo Taako) oo horey usoo ahayd ciyaar-yahanad Kubadda Kolayga Soomaaliya ah ayaa u mahad-celisay ururka kubadda Kolayga bariga iyo Bartamaha Afrika  oo fududeeyay kulamo kala duwan oo ay la yeelatay xubno muhiim ah.

 

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]