4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 6 , 2014
Dagaal ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee G. Hiiraan

Khamiis, Feberaayo, 06, 2014 (HOL) - Dagaal leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay ku dhaxmaray galbeedka magaalada Beledweyne ciidamada maamulka gobolka Hiiraan oo gacan militariga ka hellaya kuwa AMISOM iyo xoogaga xarrakada Al-shabaab.

Max'ed Amiin oo ka mid ah saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan oo waraahinta faah faahin ka siiyay dagaalka ayaa sheegay in kooxo hubeysan oo aan badneyn sida uu hadalka u dhigay xalay saq dhexe weerar ku soo qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka gobollka Hiiraan, isaga oo sheegay in ay siweyn isaga caabiyeen kooxaha weerarka soo qaaday.

Hubka leysku adeegsanayay iska horimaadka oo qaddar kooban socday ayaa waxaa ka mid ahaa qoriga hoobiyaha oo mid ka mid ah ku dhacay guri ay ku noolaayeen dad rayid ah kaa oo ay ku dhawacmeen labo ruux oo ka tirsanaa qoyskii guriga deganaa.

''Waqti kooban oo ay is rasaaseyntu soctay kadib waa ay baxsadeen, wax khasaare ah oo dhinaca ciidamada dowladda soo gaaray ma jiro, marka laga reebo dadka rayidka ah ee ku dhaawacmay madaafiicdii ay soo ridayeen,'' ayuu yiri Max'ed Amiin.

Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa howlgal ay sameeyeen saacadihii ugu danbeeyay waxaa ay ku soo  xir xiray dad la tuhusan yahay, laakiin ilaa iyo hadda ma jirto cid warbaahinta warbixin ka siiyay howlgalka iyo tirada dadka lagu soo qab qabtay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya