Maxaabiis burcad-badeednimo ku xukuman oo xabsiga Boosaaso ka baxsaday

Jimco, Abriil 04, 2014 (HOL) — Maxaabiis burcad-badeednimo ku eedeysnaa oo sannadkii hore laga keenay Jaziiradda Seychelles ayaa maanta ka baxsaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso (Gaal-shire).

Maxaabiista baxsaday oo ay tiradoodu 15 tahay waxay ka boodeen derbiga dheer ee xabsiga, inkastoo durbadiiba ay ciidamada asluubtu 13 kamid ah gacanta kusoo dhigeen.

Labada maxbuus ee maqan ayaa waxaa weli ku raad jooga ciidamada booliska. Mid kamid ah saraakiisha ciidamada asluubta ee xabsiga Boosaaso ka howlgalaa ayaa sheegay in rajo weyn ay ka qabaan in labadaas maxbuus sida ugu dhaqsaha badan gacanta loogu soo dhigo.

Maxaabiista fakatay ayaa ayaa xarko dhaadheer ka sameeyey macawsihii (dharka hurdada) ay xirnaayeen, kaddibna ka laadlaadiyey derbiga xabsiga, xargahaas oo u sahlay inay si fudud derbiga u fuulaan.

Maalinta Jimcaha ayaa ah maalinta uu xabsiga Gaal-shire ugu mashquulka badan yahay, maadaama ay xabsiga tagaan tobannaan qof oo booqanaya maxaabiista ay qaraabada yihiin.

Waa markii ugu horreysey sanadkan ay oo ay maxaabiisi ka baxsato xabsiga magaalada Boosaaso, haseyeeshee waxaa jirtey dhowr mar oo hore oo maxaabiis qaarkood xukun dil ah lagu ridey ay Gaal-shiraha Boosaaso ka baxsadeen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya