Jimco, Abriil 04, 2014 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa sheegay inay kordheen dhibaatooyinjka loo geysto suxufiyiinta ku sugan degmada Baydhabo ee gobolka Bay, kaddib markii dadweyne dibadbax dhigayay ay six un ugu garaaceen degmadaas wariye u shaqeynayay telefishin.
Warsaxaafadeed ay NUSOJ soo saartay ayay ku xustay in Baydhabo ay noqotay meel ay maamullada iska soo horjeeda ku dhibaateeyaan wariyeyaasha halkaas ka howlgala.
“Cali Ilyaas C/llaahi oo ka tirsan telefishinka Horn-Cable iyo Idaacadda Warsan ee Baydhabo ka howlgasha ayaa 31-kii Maarso, 2014 lagu garaacay degmada Baydhabo, kaddib markii uu baahiyay warbixin ku saabsan dhismaha maamulka saddexda gobol ka kooban ee degmada Baydhabo looga dhawaaqay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka NUSOJ. Iyadoo sidoo kale lagu sheegay warsaxaafadeedka in dhowr jeer uu wariyuhu la kulmay hanjabaad dhinaca taleefoonka ah.
NUSOJ ayaa cambaareysay weerarrada ka dhanka ah wariyeyaasha ee ka jira Baydhabo, waxaana ururku uu sheegay in koxaha iska soo horjeeda ay ku qasbaan wariyeyaasha inay tabiyaan wararkooda. Waxaana ururku uu dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay damaanad-qaaddo ammaanka wariyeyaasha.
“Waxaan caddeynaynaa in wariyeyaasha ka howlgala Baydhabo ay la kulmaan hanjabaado ka dhan ah howlahooda saxaaafadeed,” ayuu yiri xoghaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Bakistaan. Isagoo intaas ku daray:”Dhinacyada isku haya maamulka Bay waxaan ugu baaqaynaa inay difaacaan wariyeyaasha si ay ugu sahlanaato inay wararkooda u baahiyaan si xor ah.”
Sidoo kale, 09-kii bishii Jannaayo ee sannadkan ciidamada booliiska Baydhabo waxay xireen wariye Cabdi Nuur Mayow oo Idaacadda Kulmiye uga soo warrama magaalada Baydhabo, kaddib markii uu baahiyay wareysi uu ka qaaday qaar ka mid ah odayaashii dhisay maamulka lixda gobol ka kooban.
Ugu dambeyn, NUSOJ waxay ku baaqday in wariyeyaasha loo ogolaado inay ku baahiyaan wararkooda si xor ah, iyagoo aan wax cabsi ah qabin, taasoo uu ku sheegay ururku inay waafaqsan tahay sharciyada caalamiga ah ee warbaahinta.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya