Booliiska Kenya oo baaraya sababtii loo dilay iyo kooxihii dilay Sh. Makaburi

Jimco, Abriil 04, 2014 (HOL) — Booliiska dambiyada baara ee Kenya ayaa baaraya dilkii Sheekh Abubakar Shariif Ahmed (Makaburi) loogu geystay toddobaadkan magaalada Mombasa ee dalka Kenya, iyadoo booliisku ay dalbadeen in gacan lagu siiyo sidii loo heli lahaa kuwii ka dambeeyay dilka wadaadkan.

Golaha Imaamyada dalka Kenya ayaa dalbaday shalay in xukuumaddu ay cadeyso ciddii ka dambeysay dilka wadaadkan oo ahaa mid aan afkaartiisa la gabban aadna looga jecelaa Mombasa, iyagoo sheegay in haddii aan la keenin kuwii dilay ay taasi abuuri karto dhibaatooyin ka dhex-dhaca muslimiinta iyo masiixiyiinta Kenya.

"Booliiska ayaa arrintan si deg-deg ah uga jawaabay, iyagoo baaritaanka billaabay, kaasoo lagu ogaanayo sababtii ka dambeysay iyo waxa ka dhalan kara qabashada dadkii ku lug lahaa dilkii Sheekh Makaburi," ayuu yiri David Kimaiyo oo ka mid ah saraakiisha booliiska Kenya.

Sidoo kale, Kimaiyo ayaa yiri: "Waxaan ka codsanaynaa qof walba qof walba inuu ka gacan siiyo sidii lagu soo qaban lahaa kooxihii dilkan Sheekha ka dambeeyay; waxaana qofkii macluumaad hela uu soo wici karaa lambarada kala ah 999 ama 112."

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in kuwii dilka Makaburi ka dambeeyay aysan waxba ka gaddisnayn kuwii dhaawacay Satrin Osinya oo hal sano iyo bar jir ahaa, kaasoo rag hubeysan madaxa ka toogteen dhowr jeer 23-kii Maarso, xilli la weeraray kaniisad ay hooyadii ku jirtay oo ku taalla xaafadda Likoni ee magaalada Mombasa.

"Dambiilayaasha ama argagixisada dhaawacay ilmaha Satrine Osinya, rajana ka dhigay ayaan waxba kama gedisana kuwii dilay Sheekh Makaburi, dawlad ahaanna waa inaan arrintaas baarno, dabiilayaasha aan sharciga horgeynno,” ayuu yiri Ole Lenku.

Sheekh Abuubakar Makaburi oo lagu aasay Mombasa maalin ka hor ayaa horay u sheegay inuu la socdo in ciidamada Kenya ay doonayaan inay toogtaan, balse uu Alle ku kalsoon yahay, inkastoo aan weli la ogaan cidda dilkiisa ka dambeysay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya