12/1/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2013
Shirkii London oo lasoo Gabgabeeyay iyo War-murtiyeedkii ka soo baxay oo la filayo in goor-dhow lagu dhawaaqo


Talaado, May 07, 2013 (HOL) — Waxaa lasoo gabgabeeyay shirkii London ee looga hadlayay horumarinta Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in goor-dhow ay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron ay saxaafadda u soo bandhigaan warmutiyeedkii shirka kasoo baxay.

Ra’iisul wasaaraha UK, Cameron ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli ka jirto rajo wanaagsan, isagoo beesha caalamka ka dalbaday in Soomaaliya laga caawiyo sidii ay kaga bixi lahayd dhibaatada dabada-dheeraatay.

Cameron ayaa sheegay in dhibaatada ku dhacday Soomaaliya ay ku timid khalad ay beesha caalamku horay u gashay, xilliganna aan loo baahnayn in dib loogu laabto khaladkaas oo kale, isagoo sheegay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox argagaxiso ah.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Britain ayaa intii uu shirku socday sheegay in dowladdiisu ay ku yaboohayso lacag gaaraysa 50-milyan oo doollar si wax looga qabto ammaan-darrada, iyadoo 15-milyan oo lacagtaas ka mid ah loo adeegsan doono dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Dalka Mareykanka ayaa ku yaboohay 40-milyan oo doollar, Denmark ayaa ku yaboohay 75-milyan oo doollar, Turkiga ayaa ku yaboohay 10-milyan oo dollar, Qatar ayaa ku yahoobday 18-milyan oo doollar iyo dalal kale oo iyaguna dhaqaale ku yaboohay. dhaqaalahan ayaa loogu talogalay wax ka qabashada amniga, cadaaladda iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka ka sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay waxqabad hagar la’aan ah iyo iskaashi buuxa, isagoo dalbaday in dalalka dhaqaalaha badan ay Soomaaliya ay ku sameystaan maal-geshi si dhaqaalaha dalka dib loogu soo nooleeyo.

Xasan Sheekh, wuxuu carrabka ku adkeeyay in deggenaasho iyo xasillooni ka hirgasha Soomaaliya ay dan ugu jirto dalalka ku yaalla bariga Afirka iyo caalamka oo dhan, isagoo dalbaday in dowladdiisa laga gacan-siiyo sidii ay ku adkeyn lahayd ammaanka.

Qodobbadii shirkii London ayaa ayaa waxay kala ahaayeen, ammaanka, cadaaladda iyo maaliyadda, iyadoo dalalka shirka kasoo qaybgalay qaar ka mid ah ay ammaaneen horumarka ka socda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/7/2013 2:51 PM EST
Talaado, May 07, 2013 (HOL) — Shirkii dib u dhiska Soomaaliya ee maanta lagu qabtay magaalada London ayaa waxaa dalalkii kasoo qaybgalay ay ugu yabooheen Soomaaliya boqolaal milyan oo doollarka Mareykanka ah si wax looga qabto ammaanka dib u habeynna loogu sameeyo garsoorka iyo maaliyadda.

5/7/2013 12:31 PM EST
Talaado, May 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa ka hadlay geerida afar qof oo daad uu ku qaaday dooxa Dacar-buluq ee u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, isagoo tacsi u diray ehellada iyo qoysaskii afartaas marxuum.

5/7/2013 11:46 AM EST
Talaado, May 07, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiiradda, xildhibaanno, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, saraakiisha ciidanka, fanaaniin iyo marti sharaf kala duwan ayaa maanta ka qayb-galay dibad-bax lagu taageerayo shirka London oo ka dhacay Muqdisho.

5/7/2013 7:44 AM EST
Halkaan ka daawo sawiro laga soo qaaday shirka maanta ka furmay magaalada London ee dalka Britain.

5/7/2013 6:02 AM EST
Talaado, May 07, 2013 (HOL) — Aqalka Lancaster ee magaalada London ee dalka Britain waxaa si rasmi ah uga furmay shirkii looga hadlayay horumarinta Soomaaliya; kaasoo ay kasoo qayb-galeen xubno ka socda illaa 58 dowladood iyo hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

5/7/2013 4:45 AM EST
Talaado, May 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan London ayaa u sheegay wargeys kasoo baxa London oo lagu magacaabo Financial Times ayaa sheegay inay u baahan tahay Soomaaliya qorshe la mid ah kii dib loogu habeeyay Yurub ee Marshall Plan-ka loo yaqaan, si ay uga baxdo faqriga, colaadaha sokeeye iyo argagaxisada.

5/7/2013 4:42 AM EST
Talaado, May 07, 2013 (HOL) — Koox dabley ah ayaa xalay fiidkii weerar gaadmo ah ku qaaday saldhigga booliska Miir oo ku yaal xaafadda Horumar ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

5/7/2013 4:11 AM EST
Talaado, May 07, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Bay iyo Al-shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaal shalay ku dhexmaray duleedka degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay, dagaalkaas oo la sheegayo inay ku dhinteen lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan.

5/7/2013 3:44 AM EST
Talaado, May 07, 2013 (HOL) — Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Isniintii shalay baaritaan xoogan ku sameeyey guriga ay ku nooshahay hooyada dhashay amiirka Xarakada Al shabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaan Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr oo Hargeysa ku yaalla, iyagoo ku xiray howlgalkaas laba nin oo ay Cabdi Godane walaalo ahaayeen.

5/7/2013 3:37 AM EST
Talaado, May 07, 2013 (HOL) — Shirka London oo looga hadlayo arrimaha Soomaaiya ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda uu si rasmi ah uga furmo magaalada London ee xarunta Britain, iyadoo haatan ay wafuudda shirka ka qaybgalaysa ku sugan yihiin goobta loogu talogalay inuu ka dhaco.

5/7/2013 3:36 AM EST
Talaado, May 07, 2013 (HOL) —Maxkamadda degmadda Gabiley ayaa loo soo gudbiyey dacwad xasaasiyad dhalisay oo la xidhiidha xayaawaano dad shacab ahi isku haystaan, haseyeeshee arrintii murugtay ka dib markii wasaaradda Deeganka Somaliland oo loo dhiibay ay maxkamaddii u sheegtay in xayawaankii dhinteen.