4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2013
Ciidamada Booliska Somaliland oo baaritaan ku sameeyey guri ay Hargeysa ku leeyihiin Qoyska Amiirka Al shabaab

Talaado, May 07, 2013 (HOL) — Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Isniintii shalay baaritaan xoogan ku sameeyey guriga ay ku nooshahay hooyada dhashay amiirka Xarakada Al shabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaan Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr oo Hargeysa ku yaalla, iyagoo ku xiray howlgalkaas laba nin oo ay Cabdi Godane walaalo ahaayeen.

Illaa hadda lama cadayn waxa laga baadhayey gurigan, haseyeeshee waxa la sheegay inay ciidanku heleen macluumad tilmaamay inuu amiirka Al Shabaab ku dhuumanayo guriga, inkastoo aanay wax natiijo ah ka gaadhin hawlgalkoodii sida ay noo xaqiijiyeen wararka aanu ka helayno baadhitaankaasi.

Wararku waxa kale oo intaas ku darayaan in iyagana la xidhay laba nin oo ay walaalo ahaayeen amiirka oo midkood ciidanka MilitarigaSomaliland ka mid yahay, waxaana halkaasi su’aallo lagu waydiinaya xarunta dambibaadhista magaaladda Hargeysa.

Sidoo kale waxa isna saddax bilood ka hor la xidhay inan kale oo ay walaalo ahaayeen Amiirka Axmed Godane oo la sheegay inuu ka yimid magaaladda Muqdisho, kaas oo ilaa hadda xabsiga ku jira.

Hooyadan gurigeedda la baadhay ayaa la sheegay inay xanuunsanayso, isla markaana qof weyn ahayd, waxanay wararku sheegeen in baadhitaankaasi ay ka qaybqaateen ciidan xoogan oo uu hogaaminayo taliyaha ciidanka Booliska Gen:Cabdilaahi Fadal.

Ilaa hadda kama aysan hadal taliska ciidanka booliiska Somaliland howlgalka ay ka sameeyey guriga Amiirka Xarakada Al shabaab uu ku leeyahay Hargeysa oo ay ku noolayd hooyadiis.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland