4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2013
Ciidanka Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kuwa AMISOM oo Howlgallo kawada Xaafadda Howl-wadaag ee Baladweyne (SAWIRRO)

Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya kuwa midowgga Africa AMISOM ayaa howlgal baaxad leh kawada qeybo ka mid ah xaafaddaha magaalada Baladweyne, iyagoo saacadihii ugu danbeeyay baaritaan xoogan ka sameeyay xaafadda howl-wadaag ee magaalada ee magaalada Baladweyne.

Howlgalkan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay ka sameeyaan ciidamada magaalada ayaa lagu macneeyay in uu bilow u yahay qorshe la doonayo in lagu xaqiijiyo amniga guud ahaan magaalada Baladweyne sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha ciidamada.

Ciidamada ayaa lagu arkayay iyaga oo taagan is-gooyada iyo jidadka dhamaan xaafadda howl-wadaag sidoo kalana baaritaan xoogan ka wada meheradaha ganacsiga iyo goobo bartilmaameed ahaa oo ay ciidamada uga shakiyeen in laga soo abaabulo falalka amaan darro.

Mudadii uu howlgalka socday ayeey ku soo qab qabteen ciidamada hub isugu jira baaskuuyaaal, noocyada qoryaha garabaha laga tuuro, walxaah laga farsameeyo qaraxyada iyo agab kale oo kala duwan oo ah kuwa loo adeegsado qaraxa, sidoo kalana waxaa howlgalka lagu soo qab qabtay rag looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, hasse ahaatee saraakiisha ciidamadu sheegeen in ay baarayaan.

Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo iyo saraakiisha ciidamada AMISOM oo tagay xaafadda howl-wadaag ayaa sheegay in howlgalku yahay mid bilow ah siina socon doono ilaa laga xaqiijinayo sida uu hadalka u dhigay amniga.

''Dadka waxaan ugu baaqeynaa in ay ciidamada gacan ku siiyaan howlgalka amniga lagu sugayo, waayo nabad-galyada cid kasta ayeey dan ugu jirtaa, sidaa daraadeed waxaa naga go'an in aan wax badan ka badalno amniga,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobollka.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay guddoomiyaha in ciidamada howlgalka sameynaya yihiin kuwo si gaar ah arintan loogu tababaray, kana foojigan marnaba sida uu hadalka u dhigay in lagu xad-gudbo dadka rayidka ah mudada uu howlgalku socdo.

Howlgalka ciidamada maamulka gobollka iyo kuwa midowgga Africa AMISOM ay ka wadaan gudaha magaalada Baladweyne ayaa ka danbeeyay qaraxyo marar kala duwan ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada.







C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya