3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2013
Guddiga Masjidka Abuubakar ee Minneapolis oo deeq Lacageed oo gaaraysa 132,000 oo dollar ku wareejiyay Hay’adda HARO

Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Deeq lacageed oo dhan 132,000 (Boqol Soddonoo iyo laba kun) dollar-ka Mareykanka ah ayuu  masaajidka Abuubakar Sadiiq ee ku yaalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ku wareejiyay hay'adda HARO oo ka mid ah hay'adaha samfalka ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya, xafiisyana ku leh magaalooyinka qaar ka mid ah magaalooyinka dalka Maraykanka.

Lacagtan kaalmada ah ayaa waxaa soo ururiyay Soomaalida ku nool dalka Maraykanka si loogu caawiyo agoontii uu ka tagay Allaha u naxariistee Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe horraantii sannadkan.


Kulanka lagu ururiyay lacagtan oo ka dhacay gudaha Masaajidk Abuubakar Sadiiq ayaa waxaa ka soo qayb-galay qaar ka mida Imaamyada masaajidda waaweyn kuwaasoo ay ka mid ahaayeen: Sheekh C/risaaq Xaashi oo Imaam ka ah masjidka Abuubakar ee Minneapolis, Sheekh Axmed Nuur oo Imaam ka ah masjidka Abuubakar ee Seattle-Washington, Sheekh Maxamed Mursal oo Imaam ka ah masjidka Ixsaan ee magaalooyinka St-Paul ee Minnesota.

Ugu horreyn waxaa ka hadlay kulanka maamulaha Masaajidka Abuubakar Saqdiiq, Maxamuud Guuleed (Suhayb) oo sheegay in sababta ay kulankan ay u qabteen ay tahay in laga wada marqaati kaco in si fagaare ah aan ku wareejinay lacagtii aan muddada ururinayay haya’dda HARO, wuxuuna u mahad-ceilyay dhammaan intii gacan ka gaysatay ama bixisay lacagtaas loogu talogalay agoonta.

“Ma ahan mas'uuliyadda aan qaadnay mid ku eg agoontii uu Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ka tagay ee waa mid aan ugu adeegayno dhammaan caruurta ay ka tagaan culummada Soomaaliyeed ee xaqa nagu leh,” ayuu yiri Sheekh C/risaaq Xaashi oo ah imaamka Majidka Abuubakar Saqiid ee Minnapolis.

Waxaa isagana goobta ka hadlay Cali Cabdinuur oo ah ma’suulka ugu sarreeya hay'ada HARO oo ka yimid magaalada San Diego si uu lacagta u guddoomo; wuxuuna ballanqaaday sida lacagtaas meel fagaare ah loogu guddoonsiiyay uu isaguna meel fagaare ah ku bixin doono.

Maamulaha masaajidka Abuubakar Saqdiiq, Maxamuud Guuleed (Suhayb) oo HOL la hadlay ayaa sheegay si sababta ay lacagta ugu wareejiyeen hay’adda HARO ay tahay si ay u waafaqaan Shuruucda dalka Mareykanka, isagoo intaa ku daray in sababta ay meel fagaare ah ugu bixiyeenna ay tahay inay ka markhaati kacaan culummada Soomaaliyeed, waxgaradka iyo saxaafadda in lacagtii ay ururiyeen ay ku wareejiyeen hay’addan.

Ugu dambeyn, waxaa jeeggii ay lacagtaas ku saxiixnayd ku wareejiyay madaxa hay’adda HARO Cali Cabdinuur maamulaha guddiga masaajidka Abuubakar Sadiiq ee Minneapolis, C/rashiid Barre.

Siyaad Siciid Saalax
[email protected]

Minneapolis, Minnesota













Click here
5/4/2013 4:41 PM EST
Sabti, May 04, 2013 (HOL) - Kulan balaaran oo ay soo qabanqaabiyeen Chatham House oo ay ka hadlayeen madaxda hayadaha samafalka ayaa ka dhacay magaalada London maalintii Jimcaha.

5/4/2013 1:30 PM EST
Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Ergayga gaarka ah ee ururka Midowag Afrika u qaablisan arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay kulan ay qurbo-joogta Soomaalida kula yeelan doonaan magaalada London ee dalka Britain 09-ka illaa 11-ka bishan May.

5/4/2013 1:01 PM EST
Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Xarunta macluumaadka ka hortagga burcad-badeedda Soomaaliyeed oo laga furay maanta magaalada Muqdisho ayaa kulan looga dhawaaqay oo ay ka qeyb-galeen qaybaha bulshada, culimmmada Soomaaliyeed, xildhibaano ka tirsan baaralamaanka, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta iyo wakiillo caalami ah waxay kusoo bandhigtay daraasad ay sameysay.

5/4/2013 11:26 AM EST
Sabti, May 4, 2013(HOL)—Waxaa shalay lagu qabtay magaalada Stockholm ee dalka Sweden, gaar ahaan guriga ummadda (Folket hus) ee xaafadda Rinkeby muxaadaro qiimo badnayd oo looga hadlayay cuduurrada iyo dhibaatooyinka ku dhaca beerka, waxaana muxaadaradaas soo jeedinayay Dr. Abdirashiid M. Shire oo ku takhasusay cuduradda faafa kana shaqeeya isbitaalka Mayo Clinic oo ku yaal magaalada Rochester ee gobolka Minnesota (USA), isla markaana mashruuca cilmibaaristiisa ay khusayso cudurrada ku dhaca beerka.

5/4/2013 10:05 AM EST
Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Maalinta saxaafadda aduunka ayaa maanta laga xusay magaaladda Hargeysa, kaas oo lagu soo bandhigay tacadiyo badan oo loo geystay wariyeyaasha ka hawlgalla Somaliland.

5/4/2013 10:00 AM EST
Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya kuwa midowgga Africa AMISOM ayaa howlgal baaxad leh kawada qeybo ka mid ah xaafaddaha magaalada Baladweyne, iyagoo saacadihii ugu danbeeyay baaritaan xoogan ka sameeyay xaafadda howl-wadaag ee magaalada Baladweyne.

5/4/2013 8:15 AM EST
Axad, May 04, 2013(HOL) :- Munaasibad si heersare ah loo soo agaasimay islamarkaasina lagu xusayay maalinta saxaafadda Aduunka oo ku beegnayd 3-da May ayaa shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

5/4/2013 7:29 AM EST
Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Munaasibad lagu xusayey sanadguuradii 11aad ee ka soo wareegtay geeridii ALLE ha u naxariisktee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Madaxweynihii laabaad ee Somaliland, ayaa xalay lagu qabtay Hoteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, kaas oo ay ka soo qaybgalleen boqolaal dadweyne oo iskugu jira dhalinyarada iyo ardayda jaamacadaha.

5/4/2013 6:53 AM EST
Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Iyadoo bilihii ugu dambeeyay ay sii kordhayeen tirada dhalinyarrada kasoo goosata Al-shabaab ee lagu soo bandhigo magaalada Baladweyne ayaa waxaa arrintaa markii ugu horreysay ka hadlayay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo oo sheegay in maamulka uu guddoomiyaha ka yahay qorshe cad u dajiyeen sida laga yeelayo ragga horay uga tirsanaa Al-shabaab ee isku soo dhiiba maamulka gobolka.

5/4/2013 3:05 AM EST
Axad, 04 May, 2013(HOL) :- Shir ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen qaar kamid ah beelaha dega gobolka Gedo islamarkaana ka dhacay magaalada Luuq ee gobolkaasi ayaa waxa looga soo horjeestay shirka maamul u sameynta Jubooyinka eek a socdo Kismaayo.

5/4/2013 2:27 AM EST
Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa dib loo furay saakay oo Sabti ah kaddib afar maalmood oo ay u xirnaayeen arrimo la sheegay inay ammaanka la xiriiraan, waxaana jidadkaas dib uga howl-billlaabay gaadiidka dadweynaha.

5/4/2013 2:08 AM EST
Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Bakool ayaa sheegay inay Al-shabaab kala wareegeen degmada Tiyeegloow oo 90-km u jirta degmada Xudur ee gobolka Bakool iyo deegaan ku dhow Xudur oo lagu magacaabo Mooro-gaabeey, kaddib dagaal saacado socday oo xalay ka dhacay deegaannadaas.