4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2013
Maamulka Dowladda ee Gobolka Bakool oo Shaaciyay in ay Al-Shabaab Kala Wareegeen Deegaanno ka tisran Gobolka Bakool

Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Bakool ayaa sheegay inay Al-shabaab kala wareegeen degmada Tiyeegloow oo 90-km u jirta degmada Xudur ee gobolka Bakool iyo deegaan ku dhow Xudur oo lagu magacaabo Mooro-gaabeey, kaddib dagaal saacado socday oo xalay ka dhacay deegaannadaas.

Dagaalladan ayaa la sheegay inay ku dhinteen in ka badan toban qof oo ka tirsan dhinacadii dagaalamay, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha guud ee dagaalka ka dhashay, sababo la xiriira isgaarsiinta oo hawada laga saaray.

“Ciidamada dowladda ayaa la wareegay gacan ku haynta Tiyeegloow oo ka tirsan gobolka Bakool iyo deegaanka Mooro-gaabeey,” ayuu yiri Maxamed Macallin oo ah guddoomiyaha gobolka Bakool ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay jiraan khasaarooyin kala duwan oo soo gaaray ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab, isagoo xusay in dagaalka ay ku qabsadeen deegaannadaas uu socday saddex saac oo xiriir ah.

Dagaalka ayaa qarxay markii ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka yimid degmada Ceelbarde ay duullaan ku qaadeen degmada Tiyeegloow oo ay ka talinaysay Al-shabaab afartii sano ee lasoo dhaafay.

Al-shabaab ayaa xaqiijisay inuu dagaalku iyagoo xusay inay khasaarooyin kala duwan ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda Soomaaliya, laakiinse kama aysan hadlin in laga qabsaday degmadaas iyo in kale.

Sarakaal u hadlay ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Bakool ayaa isna sheegay in howgalkan ay kula wareegeen deegaannadan uu qayb ka yahay qorshe ay ku doonayaan inay ku qabsadaan gobolka oo dhan.

Degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa waxaa ka talisa Al-shabaab oo gashay bilk a hor kaddib markii ay halkaas isaga baxee ciidamadii dowladda iyo kuwii Itoobiya ee caawinayay kaddib muddo sannad ah oo ay gacanta ku hayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya