4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2013
Xuska Maalinta Saxaafadda Adduunka oo lagu Qabtay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose (DAAWO SAWIRRO)


Axad, May 04, 2013(HOL) :- Munaasibad si heersare ah loo soo agaasimay islamarkaasina lagu xusayay maalinta saxaafadda Aduunka oo ku beegnayd maalinimadii shalay ee 3-da May ayaa shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Munaasibadda oo ay soo qabanqaabiyeen saxafiyiinta ka howlgasha magaalada Kismaayo ayaa ka dhacday Hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo iyadoona ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin katirsan maamulka Kismaayo, Musharixiinta u taagan xilka madaxweeynenimo ee dowlad goboleedka Jubbaland, odoyaal dhaqameed, aqoonyahanno, qeybaha bulshada rayidka iyo saxafiyiinta ka howlgasha magaalada Kismaayo.

Goobta ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay qaar kamid ah marti sharaftii xaflada kasoo qeybgalay, waxaana xubnihii goobta ka hadlay ay u hambalyeeyeen saxafiyiinta reer Kismaayo oo iyagu mudo shan sano ah kadib gudaha magaalada Kismaayo maanta ku xusay munaasibadda xuska maalinta saxaafadda aduunka.

Sheekh Max’ed Ibraahim Shakuul oo kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweeynenimo ee dowlad goboleedka Jubbaland oo goobta khudbad dheer ka jeediyay ayaa ugu baaqay saxafiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan Jubooyinka in ay laba jibaaraan dadaalkooda islamarkaasina ay had iyo jeer ku dadaalaan soo gudbinta xaqiiqda.

Gudoomiyaha maxkamadda degmada Kismaayo Sheekh Axmed Max’ed Max’uud (Axmed Carab) oo isna goobta hadal ka jeediyay ayaa ugu hambalyeeyay saxafiyiinta munaasiabadda maalinta saxaafadda aduunka, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay in saxafiyiintu ay is ilaaliyaan islamarkaasina ay waxwalba ka hormariyaan ammaankooda.


Agaasimaha idaacadda Radio Kismaayo Aadan Max’ed Salaad (Aadan Kismayo) oo isna goobta khudbad ka jeediyay ayaa ka warbixiyay taariikhda saxaafadda Jubooyinka, isagoona sidoo kale sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in mudo shan sano ah kadib uu magaalada Kismaayo uga qeybgalo xuska maalinta saxaafadda aduunka.

C/qaani Sheekh Cali Diini oo ah gudoomiyaha ururka SDSI oo ah urur ka dhisan qurbaha ayaa ugu horeyn u mahadceliyay saxafiyiinta Soomaaliyeed ee xaaladda adag ku shaqeeya islamarkaana naftooda u hura soo gudbinta xaqiiqda, wuxuuna kula dardaarmay in wariyayaashu ay sidoo kale ka qeybqaataan nabadda iyo horumarka dalka islamarkaasina ay soo gudbiyaan warar  xaqiiqda ku saleeysan.

Munaasibadda ayaa noqoneeysa tii ugu horeeysay oo mudo shan sano kadib laga xuso magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
kismaayo-Soomaaliya.