3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2013
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo sheegay inay qorshe u dajiyeen dhallinta kasoo goostay Xarakada Al-shabaab


Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Iyadoo bilihii ugu dambeeyay ay sii kordhayeen tirada dhalinyarrada kasoo goosata Al-shabaab ee lagu soo bandhigo magaalada Baladweyne ayaa waxaa arrintaa markii ugu horreysay ka hadlayay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo oo sheegay in maamulka uu guddoomiyaha ka yahay qorshe cad u dajiyeen sida laga yeelayo ragga horay uga tirsanaa Al-shabaab ee isku soo dhiiba maamulka gobolka.

Guddoomiyaha maamulka gobollka waxaa uu sheegay in mar walba soo dhaweynayaan dhalinyarrada yar yar ee  iskood u go'aansata in ay isaga baxaan Al-shabaab iyadoo la tixraacayo sida uu hadalka u dhigay cafiskii guud ee madaxweynaha dowladda federaalka u fidiyay dhalinyarrada ka tirsan Al-shabaab, laakiin hadda dhinaca kale waxaa uu sheegay in marnaba dhici doonin in si fudud ragga ka soo goosta Al-shabaab loogu sii dhax -deyn doonin bulshada.

"Annaga ka maamul ahaa arintaa qorshe cad ayaan ka leenahay, marka hore waxaa muhiim ah in la hubiyo dhalinyarradaas in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab,

Haddii la ogaado in ay ahaayeen rag horay uga tirsanaan jiray Al-shabaab waxaa uu qorshuhu yahay in dhaqan celin loo sameeyo, la geeyo xarumo gaar ah oo loogu talagalay la wacyi galliyo, waayo in badan ayaa laga dhaadhicinayay wax yaabo aan sax aheyn, laakiin waxaan dhici doonin in si fudud bulshada loogu sii dhax-daayo dhalinyarrada iska soo dhiibta Al-shabaab,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan.

Bilihii ugu danbeeyay ayaa in ka badan 100 dhalinyarro ah oo ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in ay isku soo dhiibeen maamulka gobollka Hiiraan, kuwaasoo qaarkood wali ku jira gacanta ciidamada booliiska maamulka gobollka iyo AMISOM.

Cabdi Faarax Laqanyo guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan waxaa uu digniin u dirray shaqsiyaad sida uu sheegay horay uga tirsanaa oo hadda si dhuumaaleysi ah dib ugu soo laabanaya magaalada Baladweyne iyaga oo soo war-galin maamulka gobollka, isaga oo maamulku talaabo ka qaadi doono.

“Marka laga soo tago dhalinyarrada iyagu isa soo dhiibta, waxaan og-nahay in ay jiraan shaqsiyaad ka tirsanaa  Al-shabaab oo hadda magaalada iska dhax jooga iyaga oo aan soo war-galin maamulka gobollka, waxaan leenahay waan idin og-nahay, marnaba ma dhici  doonto qof danbi-gallay bulshada isaga oo waliba laga war-qabo in haddana uu magaalada iska dhax joog, marnaba maamulku arintaa uma dul-qaadanayo waayo waa arin qatar ku ah nabad-galyada, shaqsiyaadka noocaas ahna waxaan leenahay waa leydinka war-qabaa, waan idinku soo socnaa,'' ayuu yiri Cabdi Faarax Laqanyo.

Mar uu soo hadal qaaday waxa uga qorsheysan maamulka uu hogaamiyo degmooyinka kale ee wali ku jira gacanta Al-shabaab waxaa uu sheegay  inqorshihii lagu wajihi lahaa durbaba la soo dhameystiray, laakiin uusan jecleyn in uu warbaahinta sii mariyo waqtiga iyo xilliga uu maamulku ku dhaqaaqayo howlgalka ka dhan-ka ay degmooyinka gacanta ugu jira Al-shabaab.

“In Al-shabaab la dirirayo ma'aha wax qarsoon, annagana waxaa noo qorsheysan in dhawaan aan u dhaqaaqno degmooyinka wali gacanta ugu jira Al-shabaab, laakiin xiliga iyo waqtiga talaabadaas aan qaadeyno ma rabo in aan ka sii hordhaco,'' ayuu yiri Cabdi Faarax Laqanyo.

Amniga gudaha magaalada Baladweyne ayuu sheegay in  xoogga la saari doono si meesha looga saaro kooxaha sida uu hadalka u dhigay doonaya in ay carqaladeeyaan nabad-galyada.

''Ciidamada howlgal ayeey ku jiraan, mar marka qaar wey dhici kartaa in ay dhacaan falal amniga ka dhan ah, laakiin haddana ciidamadu waa ay foojigan yihiin habeen iyo maalina waxaa jira howlgal laga sameynayo xaafaddaha kala duwan ee magaalada,'' ayuu sheegay guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan.

Ugu dambeyn, shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayuu ugu baaqay in ay maamulka gacan ku siiyaan sugida amniga magaalada, madaama ay adag tahay in nabad-galyada wax laga qabto haddii aysan  bulshadu garab ciidamada sugida amniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya













Click here
5/4/2013 4:41 PM EST
Sabti, May 04, 2013 (HOL) - Kulan balaaran oo ay soo qabanqaabiyeen Chatham House oo ay ka hadlayeen madaxda hayadaha samafalka ayaa ka dhacay magaalada London maalintii Jimcaha.

5/4/2013 1:30 PM EST
Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Ergayga gaarka ah ee ururka Midowag Afrika u qaablisan arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay kulan ay qurbo-joogta Soomaalida kula yeelan doonaan magaalada London ee dalka Britain 09-ka illaa 11-ka bishan May.

5/4/2013 1:01 PM EST
Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Xarunta macluumaadka ka hortagga burcad-badeedda Soomaaliyeed oo laga furay maanta magaalada Muqdisho ayaa kulan looga dhawaaqay oo ay ka qeyb-galeen qaybaha bulshada, culimmmada Soomaaliyeed, xildhibaano ka tirsan baaralamaanka, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta iyo wakiillo caalami ah waxay kusoo bandhigtay daraasad ay sameysay.

5/4/2013 11:26 AM EST
Sabti, May 4, 2013(HOL)—Waxaa shalay lagu qabtay magaalada Stockholm ee dalka Sweden, gaar ahaan guriga ummadda (Folket hus) ee xaafadda Rinkeby muxaadaro qiimo badnayd oo looga hadlayay cuduurrada iyo dhibaatooyinka ku dhaca beerka, waxaana muxaadaradaas soo jeedinayay Dr. Abdirashiid M. Shire oo ku takhasusay cuduradda faafa kana shaqeeya isbitaalka Mayo Clinic oo ku yaal magaalada Rochester ee gobolka Minnesota (USA), isla markaana mashruuca cilmibaaristiisa ay khusayso cudurrada ku dhaca beerka.

5/4/2013 10:05 AM EST
Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Maalinta saxaafadda aduunka ayaa maanta laga xusay magaaladda Hargeysa, kaas oo lagu soo bandhigay tacadiyo badan oo loo geystay wariyeyaasha ka hawlgalla Somaliland.

5/4/2013 10:00 AM EST
Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya kuwa midowgga Africa AMISOM ayaa howlgal baaxad leh kawada qeybo ka mid ah xaafaddaha magaalada Baladweyne, iyagoo saacadihii ugu danbeeyay baaritaan xoogan ka sameeyay xaafadda howl-wadaag ee magaalada Baladweyne.

5/4/2013 8:15 AM EST
Axad, May 04, 2013(HOL) :- Munaasibad si heersare ah loo soo agaasimay islamarkaasina lagu xusayay maalinta saxaafadda Aduunka oo ku beegnayd 3-da May ayaa shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

5/4/2013 7:29 AM EST
Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Munaasibad lagu xusayey sanadguuradii 11aad ee ka soo wareegtay geeridii ALLE ha u naxariisktee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Madaxweynihii laabaad ee Somaliland, ayaa xalay lagu qabtay Hoteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, kaas oo ay ka soo qaybgalleen boqolaal dadweyne oo iskugu jira dhalinyarada iyo ardayda jaamacadaha.

5/4/2013 3:05 AM EST
Axad, 04 May, 2013(HOL) :- Shir ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen qaar kamid ah beelaha dega gobolka Gedo islamarkaana ka dhacay magaalada Luuq ee gobolkaasi ayaa waxa looga soo horjeestay shirka maamul u sameynta Jubooyinka eek a socdo Kismaayo.

5/4/2013 2:56 AM EST
Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Deeq lacageed oo dhan 132,000 oo dollar-ka Mareykanka ah ayuu masaajidka Abuubakar Sadiiq ee ku yaalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ku wareejiyay hay'adda HARO oo ka mid ah hay'adaha samfalka ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya, xafiisyana ku leh magaalooyinka qaar ka mid ah magaalooyinka dalka Maraykanka.

5/4/2013 2:27 AM EST
Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa dib loo furay saakay oo Sabti ah kaddib afar maalmood oo ay u xirnaayeen arrimo la sheegay inay ammaanka la xiriiraan, waxaana jidadkaas dib uga howl-billlaabay gaadiidka dadweynaha.

5/4/2013 2:08 AM EST
Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Bakool ayaa sheegay inay Al-shabaab kala wareegeen degmada Tiyeegloow oo 90-km u jirta degmada Xudur ee gobolka Bakool iyo deegaan ku dhow Xudur oo lagu magacaabo Mooro-gaabeey, kaddib dagaal saacado socday oo xalay ka dhacay deegaannadaas.