4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2013
Xukuumadda Somalia oo soo dhaweysay guushii uu Madaxweynaha cusub ee Kenya ka gaaray doorashadii Madaxweynenimo


Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay guushii uu madaxweynaha cusub ee Kenay, Uhuru Kenyatta ka gaaray doorashadii madaxnimo ee dalkaas, waxayna ballanqaaday inay xoojin doonto wadashaqeynta kala dhexeysa Kenya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa war uu soo saaray wuxuu ku sheegay inay soo dhaweynayaan doorashada Uhuru Kenyatta loo doortay madaxweynaha Kenya.

“Doorasahada Kenya waxay ahayd mid u dhacday si Dimuqraadiyad ah oo ku dayasho mudan,” ayuu yiri Saacid, oo intaas ku daray in xukuumaddiisa ay sii wadayso wadashaqeyntii kala dhexeeysa Kenya oo uu sheegay inay abaal hore u gashay Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa si iwata ayuu yiri: “Waxaan u ballan-qaadaynaa dowladda Kenya inaan xoojin doonno wada-shaqeyntii nagala dhexeysa, waxaana u rajeynaynaa madaxweynaha cusub in waajibaadka horyaalla uu u guto si sharciga waafaqsan.”

Guddiga madaxa-bannaan ee doorashada Kenya ayaa waxay gellinii dambe ee maanta si rasmi ah ugu dhawaaqeen natiijadii doorashada madaxnimo ee dalka Kenya, iyagoo sheegay in Uhuru Kenyatta uu helay codadkii la dhiibtay in ka badan 50%, taasoo xaqiijinaysa inuu ku guuleystay doorashada.

“Waxaan caddeynayaa in Uhuru Kenyatta uu ku guuleysatay doorashadii la qabtay ee madaxweynenimada, waxaana leeyahay Uhuru wuxuu noqonayaa madaxweynihii afaraad ee dalka Kenya,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashada dalka Kenya, Axmed Isaaq Xasan oo natiijada ku dhawaaqay.

Laakiinse, Raila Odinga oo ahaa murashaxii sida aadka ah ugu dhawaa Uhuru ayaa sheegay inuusan ogolaan doonin in doorashada looga adkaaday uuna dacwad ka dhan doorashada u gudbinayo maxkamadda sare ee dalka, isagoo ballanqaaday inaysan dhicin doonin wax rabshado ah oo ku saabsan doorashada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya