4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo u Ambabaxay Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland


Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, iyadoo booqashadan ay noqonayso tii ugu horreysy oo mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya uu ku aado Puntland.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha oo watay laba diyaaradood ayaa goor dhow ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo gatoonka Garoowena ay ka socoto qabanqaabada soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa.

Puntland ayaa waxay ka mid tahay maamullada hoos-yimaada dowladda Soomaaliya, balse waxay si aad ah uga soo horjeesteen cunno-qabteyntii hubka ee golaha ammaanka uu muddada halka sano ah ka qaaday dowladda si ay ciidamadeeda ku dhisto.

Booqashadan oo aan la ogeyn muddada ay qaadanayso ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli uu ra’iisul wasaaruhu dhawaan socdaal ku tagay gobolka Gaslguduud, isagoo heshiis lasoo galay mas’uuliyiinta Ahlusunna.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn booqashada Puntland uu ku tagay ra’iisul wasaare Saacid waxay salka ku hayso ayaa haddana waxaa lagu wadaa inta uu ku sugan yahay Garoowe inuu la kulmo madaxweynaha Puntland iyo xubnaha kale ee dowaldda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa horay u sheegay inuu soo dhaweynayo horumarka ay Puntland ku tallaabsatay, isagoo xusay in xukuumaddiis ay gacan ka siin doonto dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab oo uu ku sheegay kooxo nabadda diiddan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya