4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2013
Shirweynihii Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho (DAAWO SAWIRRO)


Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Shirweynaha Qaran ee xiriirka urrurada shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU oo saddexdii sannaba mar la qabto ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Shirweynaha oo ay ka qayb-galayeen ergooyin ka kala socday urrurada ku bahoobay xiriirka ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU ayaa waxaa ay ka kala yimaadeen qaybo kala duwan oo dalka ah; waxaana shirweynaha ka qayb-qaadanayay ergo kor u dhaafeyso 100 ruux oo ka socday qeybaha kala duwan ee muruqmaalka Soomaaliyeed.

Furitaankii shirka ayaa waxaa si weyn uga hadlay mas’uuliyiinta FESTU, xubno ka socday baarlamaanka Soomaaliya, hay’adda ILO iyo ururweynaha caalamka ee ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha adduunka.

Shirweynaha oo ah midkii ugu horreeyay ee ka dhaca caasimadda Somalia oo ay isugu yimaadeen ururrada shaqaalaha ee madaxa-bannaan waxaa looga hadlay wax-qabadka FESTU, xaaladda bulsho iyo dhaqaale ee dalka, isku keenista shaqaalaha Soomaaliyeed, xuquuqaadka aasaasiga ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed iyo sida shaqooyin wax-tar leh loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta ka hadashay shirweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa xoghyaha guud ee Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cusmaan isla markaana ah xoghayaha xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU, isagoo sheegay sheegay in shirweynahan uu yahay mid taariikhi ah; ururkanna uu yahay baarlamaanka ay leeyihiin shaqaalaha Soomaaliyeed oo ay ugu arrinsanayaan aayahooda iyo dhammaan arrimaha samaeynta ku leh shaqada iyo xuquuqyada shaqo ee shaqaalaha Soomaaliyeed.

Wafdi ka socda urur-weynaha ITUC oo ah mid ay ku mideysan yihiin ururada shaqaalaha adduunka si buuxdana u taageeraya shirweynahan, ayaa goob-joog ka ahaa shirka, kuwaasoo maalin ka hor dalka soo gaaray.

Mr. Sylvain Kiza oo matalaayay ITUC iyo urur qaaradeedkeeda Afrika ee loo yaqaan isagana ITUC ayaa u sheegay ergada ka qayb-galaysa shirweynaha in ITUC iyo ITUC Afrika oo aqoonsan isla markaana garab-taagan FESTU inay kasoo qayb-galaan shirweynaha labaad ee FESTU.

Kiza waxaa uu sheegay inuu salaan iyo taageero ugu wado hoggaanka FESTU iyo ergada shirweynaha mas’uuliyiinta ITUC iyo ITUC Afrikaa iyaga oo hiil iyo hooba la garabtaagan sidii xooggii iyo firfircoonidii shaqaalaha Soomaaliyeed u soo laaban lahayd; isagoo hoosta ka xariiqay taageerada loo hayo bahweynta shaqaalaha Soomaaliyeed ee ku mideysan FESTU. 

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay guddiga adeegga bulshada ee  golaha baarlamaanka Soomaaliyeed oo ay wakiil u ahayd xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi; iyadoo ku nuux-nuuxsatay sida ay dowladda federaalka gaar ahaan baarlamaanka ay ugu go’an tahay sidii lagu difaaci lahaa shaqaalaha Soomaaliyeed.

Ururka shaqaalaha adduunka ee ILO ayaa shirweynaha u soo diray fariin gaar ah; iyadoo sarkaal ka tirsan ILO uu ka yimid magaalada Nairobi si uu goobjoog ugu ahaado shirweynaha. ILO ayaa sheegay inay kala shaqeyn doonto FESTU sidii loo horumarin lahaa danaha shaqaalaha Soomaaliyeed loona abuuri lahaa shaqooyin tayo leh.

Doodada shirka oo si xoog leh u socday ayaa sidoo kale waxaa galabta la gudo-galay doorashada hoggaanka ururka ee muddada seddexda sano ah ee soo socota; iyadoo natiijadii lagu dhawaaqay ka hor intii uusan shirka lasoo xirin .

FESTU ayaa ah ururkii ugu horreeyay ee ay leeyihiin ururada shaqaalaha madaxa-bannaan ee Soomaaliyeed oo la sameeyo tan iyo markii dowladdii militariga ahayd dhacday; iyadoo isla markaana ah ururka kaliya ee xubinta ka ah ururweynaya shaqaalaha addunka iyo midka Afrikaa wuxuuna meel mariyay qaraaro ku aaddan arrimaha shaqada iyo shaqaalaha Soomaaliyeed.

Shirweynaha ayaa sidoo kale waxaa taageero u fidiyay ururrada kale ee bah-wadaagta la ah shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka kala dhisan Afrika iyo Yurub si loo taageero hannaanka ay waddo FESTU ee dib loogu soo celinaayo dhaqdhaqaaha ururada shaqaalaha Soomaaliyeed.















Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya