Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) —Gudiga farsamada shirka maamul u sameynta Jubooyinka ayaa maanta ka warbixiyay halka uu marayo shirka la doonayo in maamul loogu dhiso sedexda gobol ee la isku yiraahdo Jubooyinka.
Gudoomiyaha gudiga farsamada shirka maamul u sameynta Jubooyinka C/qani Cabdi Jaamac oo warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay gudaha Kismaayo ayaa sheegay in shirkii maamul u sameynta Jubooyinka uu u socdo si wanaagsan, isagoona xusay in mudadii uu shirka socday ay qabteen waxyaalo badan.
Masuulkani ayaa sheegay in ay ku guuleeysteen dhameystirka Axdi KMG ah oo sedexda sano ee soo socoto uu ku shaqeyn doono maamulka la filayo in loo dhiso Jubooyinka, wuxuuna xusay in dhawaan ay gudo geli doonaan qeybihii kale ee shirka.
Mr. C/qani ayaa sheegay in gudiyadii ka qeybqaadan lahaa shirka ee laga sugayay degmooyinka sedexda gobol ay imika kusoo xaroonayaan xarunta uu ka soconayo Shirka, wuxuuna intaa ku daray in shacabka ku dhaqan gobollada Jubooyinka ay ka go’antahay dhismaha maamul goboleed ay yeeshaan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ergo ay u direen gobolka Gedo si ay shacabka ku dhaqan gobolkaasi ugu sharaxaan shirka, ay soo mareen degmooyin dhowr ah oo katirsan gobolka Gedo islamarkaasina ay kulamo la qaateen odoyaasha iyo waxgaradka ku dhaqan halkaasi, kuwaasoo uu xusay in ay ku soo dhamaadeen is afgarad, wuxuuna intaa ku daray in maalmaha soo socdo la filayo in ay soo gaaraan Kismaayo.
Mar wax laga weeydiiyay in dowladda Soomaaliya ay qeyb ka tahay shirka ayuu yiri “Dowladda shirka oon bilaaban 23-ka bishii tagtay baanu u dirnay waraaq aan kaga codsaneeyno madaxweeynaha iyo ra’isul wasaaraha inay nagala soo qeybgalaan, jawaab waxaan ka heynaa ah in ay waraaqaheenii heleen insh’allah jawaab bay nasoo siin doonaan.”
Shirka maamul u sameynta gobollada Jubooyinka oo uu soo agaasimay urur goboleedka IGAD ayaa mudooyinkii u danbeeyay ka soconayay magaalada Kismaayo, walow hadal dhawaan kasoo yeeray dowladda Soomaaliya lagu dhaliilay habka uu u soconayo shirka maamulka loogu dhisayo sedexda gobol ee J/hoose, J/dhexe iyo Gedo.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Guddiga Farsamada shirka Maamul u Sameynta Gobollada Jubbooyinka oo ka Warbixiyay Halka uu Marayo Shirkaas
More News
- RA’IISUL WASAARE SAACID: “Ummaddu waxay doonaysaa in la dardar-geliyo Hirgalinta Nidaamka Federaaliga ah”
- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somalia oo Saudi Arabia uga Qayb-galay shirka Wasiirrada Arrimaah Gudaha Carabta
- Shirweynihii Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho (DAAWO SAWIRRO)
- Madaxweyne Xigeenka Somaliland oo Kormeer ku Tagay Mashruuc Biyo Gelin ah oo ka socda Duleedka Hargeysa
- Roobabka Gu’ga oo ka curtay Deegaannno ku yaalla Koonfurta iyo Waqooyiga Gobolka Sool oo Abaari ay ka taagnayd
- Kulan dhexmaray Maamulka Puntland ee Gaalkacyo iyo Ra’iisul Wasaaraha oo lagu qabtay Waqooyiga Gaalkacyo (SAWIRRO)
- Ra'iisul Wasaaraha oo Kormeeray Dhismayaal ka socda Galmudug, Xariggana ka jaray Garoonka C/llaahi Ciise (SAWIRRO)
- Xisbiga haya Taladda Somaliland ee KULMIYE oo Shaaciyey Waqtiga la qaban doono Shirweynaha Guud ee Ururkooda
- Dab geystay khasaare Hantiyadeed oo xooggan oo Baabi’iyay Suuq ku Yaalla Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo
- Maydadka laba qof oo Toogasho lagu dilay oo siyaabo kala duwan loogu arkay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir
- Burcadbadeed Soomaaliyeed oo Malaayiin Doollar oo Madaxfurasho lacageed ah kusii daayay Markab Giriigga laga leeyahay