4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2013
Kulan dhexmaray Maamulka Puntland ee Gaalkacyo iyo Ra’iisul Wasaaraha oo lagu qabtay Waqooyiga Gaalkacyo (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Kulan dhexmaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo maamulka Gaalkacyo oo ay goobjoog ka ahaayeen shacabka ku nool deegaannadaas ayaa saakay ka dhacay waqooyiga degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Inta badan kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray amaanka, horumarinta, iyo dib-u-dhiska, waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa ganacsatada, aqoonyahannada, nabaddoonnada iyo dhallinyarada.

Ugu horreyn, maamulka gobolka ayaa ka warbixiyay xaaladda nabadgalyada oo waayahan dambe ay ka jireen shaqaaqooyin u dhaxeeya dadka deegaanka, iyagoo sheegay in gobolka Mudug uu muhiimad gaar ah u leeyahay dowladda Soomaaliya marka laga hadlayo dib-u-heshiisiinta, madaama ay tahay Gaalkacyo magaalo kala qaybsan loona baahan yahay in dowladdu qeyb weyn ka qaadato ka miro dhalinta arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo is-dhexgalka bulshada.

Maamulka Gobolka iyo waxgaradkii ka qayb-galay kulanka ayaa ka codsaday dowladda federaalka inay kala shaqayso sidii dadka degmada kuwada nool ay si nabadgalyo ah iskula noolaan lahaayeen, sidoo kale waxay u sheegeen ra’iisul wasaaraha in laga taageero dib-u-dhiska garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo iyo waddada isku-xirta Gaalkacyo iyo Garacad oo muhiim u ah isku socodka dadka.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa u xaqiijiyay reer Gaalkacyo in dowladdu ay la garab taagan tahay sidii ay ugala shaqeyn lahayd ammaanka iyo dib-u-dhiska magaalada Gaalkacyo.

“Waxaan shacabka ku nool gobolka Mudug uga mahadcelinayaa sidii ay ii soo dhaweeyeen markii la i doortay. Intii aan ku sugnaa Puntland waxaan wadahadal dheer la yeelanay maamulka, waxaana soo saarnay heshiis wax ku ool ah, arrimihii aad naga codsateenna badankoodu waxay qayb ka yihiin heshiiska aan la galnay madaxdiina, ka dowlad ahaan waxaan jecel-nahay is-dhex-gal iyo ammaan ay dadku kuwada noolaadaan, waxaana magacaabay guddi heer wasiir ah oo ka shaqayn doona sidii xal looga gaari lahaa arrimaha soo noqnoqnaya oo dhibaatada u horseedi kara dadka ku dhaqan gobolka Mudug.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo dhanka kale xusay inay adag tahay in la sameeyo horumar la taaban karo haddii aan heshiis laga gaarin arrimaha nabadgalyada. Waxayna dowladu diyaar la tahay inay idinka caawiso wixii dhaqaaale iyo farsamo ah oo xal loogu heli karo nabad kusoo dabaalidda gobolka mudug.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in maamulka Puntland kulammadii ay lasoo qaateen ay ku jirtay sidii looga taageeri lahaa ciribtirka kooxaha nabad-ddiidka ah.

“Dhibaatooyinka ay kooxaha nabad-diidka ah ku hayaan Puntland waxaan ballan-qaadnay ka dowlad ahaan inaan gacan weyn ka gaysano sidii loo cirib-tiri lahaa, waxaan sidoo kale yeelanaynaa iskaashi ka wanaagsan kii hore si loo xaqiijiyo wadashaqayn buuxda oo dhex marta Puntland iyo dowlada federaalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Ugu danbayn, ra’iisul wasaaraha iyo waftigiisa oo ay wehliyaan maamulka gobolka ayaa ku booqday hoygiisa, Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka mid ah Isimmada loogu qadarinta badan yahay Soomaaliya.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya