4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2013
Xisbiga haya Taladda Somaliland ee KULMIYE oo Shaaciyey Waqtiga la qaban doono Shirweynaha Guud ee Ururkooda

Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga talladda haya ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel), ayaa iclaamiyay xiliga la qabanayo shirka golaha dhexe ee xisbigaasi.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe waxa uu u cayimay shirka Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE inuu qabsoomo 11-da April ee sanadkan 2013, kaasi oo ka furmi doona Huteelka Ambassador ee Magaaladda Hargeysa.

“Markaan arkay: Xeerka Nidaamka Ururrrada iyo Axsaabta Siyaasada Xeer N0: 14/2011 qodonkiisa 25aad faqradiisa 1aad oo u dhigan sidan:“ Xisbiyada qaran ee doorashada ku guulaystaa waa in ay ku dhaqmaan maamul-wanaag iyo Dimuquraadiyadda dhexdooda ah, waana in awoodda loo simanyahay talada xisbigana waa in markasta lagu go’aan qaataa qaabka uu dhigaayo xeer hoosaada Iyo isla qodobkiisa 25 aad faqradiisa 3aad oo u dhigan sidan: “ shirka Xisbi ee golaha dhexe waxaa la qabanayaa halkii sanaba hal mar waxaana la baahinayaa 30 casho ka hor ”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga KULMIYE oo baryahanba la isku haystay wakhtiga la qabanayo shirweynaha, waxanay intaas ku dareen.

“Markaan arkay: Qodobka 30aad faqradiisa 1aad ee xeerka xisbiga kulmiye oo u qoran sidan:“shirka golaha dhexe ee xisbiga waxa la qabtaa sanadkiiba hal mar ” Markaan arkay: Qodobka 9aad faqradiisa 1aad xeer hoosaadka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye oo u qornaa sidan: “ugu yaraan bil ka hor taariikhda uu qorshaysan yahay shirka caadiga ah ee golaha dhexe, ayuu gudoomiyaha golaha dhexe amrayaa xoghayaha golaha dhexe inuu war-baahinta ku faafiyo maalinta iyo goobta lagu qabanayo shirka caadiga ah ee golaha dhexe”

“Mudane Xoghaye aniga oo ka duulaya qodobadaa aan kor ku soo sheegay khasabna inagu tahay inaynu fulino Xeerarka qaranka iyo xisbigaba u yaala taasoo la inagula xisaabtmayo haddii aynu sidooda u gudan weyno, waxaan ku farayaa inaad golaha dhexe ee Xisbiga gaadhsiiso in shirkii caadiga ahaa ee golaha dhexe la qaban doono 11/April/2013 laguna qaban doono magaaladda Hargeysa gaar ahaan Ambasaddor Hotel. Sidoo kale waxan la socodsiinayaa dhamaan xubnaha golaha dhexe inay u diyaar garoobaan shirkaas oo dhici doona taariikhda kor ku susan, Allaa Mahad Leh.”ayuu gudoomiyaha golaha dhexe ee kulmiye Jaamac Shabeel ka soo saaray maalinta shirweynahoogu dhici doonno.

Si kastaba ha ahaatee, shirweynaha xisbiga ayaa keenay muran iyo in wakhtiga la qabanayo la isku qabto ka dib markii ay soo baxeen xubno miisaan ku leh xisbiga oo hunguri ka hayo hogaanka sare ee xisbiga, waxaanay taasi keentay in loolan adag dhexmaro xubnahaas, waxanay arrintaasi soo kala dhex galay madaxweynaha, taas oo aan la shaacin waxa lagu heshiiyey iyo in la dhameeyey khilaafkaasi xisbiga soo kala dhex galay iyo wakhtiga la qabanayo oo in badan laga warwareegay in la cadeeyo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland