6/7/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh oo u hambalyeeyay Uhuru Kenyatta oo loo doortay Madaxweynaha Kenya


Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, kaasoo kusoo baxay doorashadii dalkaas ka dhacday toddobaadkii lasoo dhaafay, isagoo shacabka Kenya ugu baaqay inay muujiyaan xasillooni.

Xasan Sheekh wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta Kenya ee tartanka ka qayb-galay inay ixtiraamaan natiijada doorashada. Isago ugu baaqay in dareenka shacabka Kenya la xushmeeyo.

“Iyadoo dad aad u fara badan oo lagu qiyaasay 85% oo shacabka Kenya ah ay fursad u heleen inay doortaan mas’uulkiii hoggaamin lahaa waxaan ugu hambalyeynayaa shacabka Kenya sida ay waajibkooda wadaninimo u guteen oo ay u codeeyeen. Waxaana xusid mudan sida nabadgelyada ah ee ay u dhacday doorashada,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay war uu warbaahinta ku siiyay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu mar kale yiri: “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay hamblyo u dirayaan Uhuru Kenyatta oo loo doortay madaweynaha cusub ee Kenya, waxaana diyaar u nahay inaan si wadno xiriirka xooggan ee nagala dhexeeya.”

Guddiga doorashooyinka Kenya ayaa shalay gellinkii dambe si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijadii doorashadii madaxnimo ee Kenya, wuxuuna sheegay guddoomiyaha guddiga doorashada in Uhuru Kenyatta uu ku guuleysatay codadkii loo baahnaa ee doorashada.

“Waxaan aaminsanahay in dhammaan shacabka Kenya ay si nabad ku jirto uga jawaabi doonaan natiijada doorashada, haddii ay jirto dareen dhab ah oo la xiriira khilaaf waa in loo maraa waddada sharciga ah, si mar kale aysan u dhicin khaladaadkii horay u dhacay oo kale,” ayuu Xasan Sheekh ku daray hadalkiisa.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu kusoo xiray hadalkiisa: “Amniga iyo deggenaaashaha Bariga Afrika waxaa ka taagan walaac, annaga oo dhanna waa inaan si nabad ah uga wada-shaqeynaa. walaalaheena reer Kenya iyo madaxdooda waxaan ugu baaqeynaa inay xushmeeyaan qiimaha nafta bini’aadanka iyo hantidooda.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay oo hamblyo u dira madaxweynaha cusub ee Kenya ay dooratay Uhuru Kenyatta, waxaanasidoo kale hambalyo middan la mid ah u diray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid).

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/10/2013 8:24 PM EST
Bishan March 16keeda ayaa waxaa magaalada Minneapolis lagu qabandoonaa kulan lagu lafa-gurayo "YAA KA DAMBEEYA DILALKA QORSHEYSAN"

3/10/2013 1:21 PM EST
Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Dublamaasiyiin ka socda wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya oo tiradoodu tahay 20 ayaa wuxuu tababar ay ku baranayaan sida ay wasaaradda arrimaha dibaddu u shaqeyso uga socdaa dalka Koonfur Afrika.

3/10/2013 12:48 PM EST
Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Maxkamad ku taalla dalka Jabuuti ayaa ku xukuntay saddex wadaad oo ka mid ah kuwa dalka Jabuuti xabsi min laba sano ah, kuwaasoo lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen abaabulka dibad-baxyo ka dhacay dalka Jabuuti doorashadii baarlamaanka kaddib.

3/10/2013 11:53 AM EST
Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu celiyay xukuumadda saddex hindise sharciyeed oo ay soo gudbisay wasaaradda garsoorka, iyadoo kulanka ay maanta ay kasoo qaybgaleen in ka badan 140-mudane.

3/10/2013 11:52 AM EST
Axad, Maar so 10, 2013 (HOL) — Wakiilka gobolka Awdal ee ururka haweenwka Qaranka Somaliland ee NOW, Kawsar Ibraahim Rijaal ayaa sheegtay in aysan u tartamayn jagada guddoomiyenimada xisbiga ee sannadkan.

3/10/2013 11:17 AM EST
Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda ee Masar, Maxamed Kaamil Caamir oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa waxay kulammo la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya, wasiirro ka tirsan xukuumadda, guddoomiyaha baarlamaanka iyo safiirro.

3/10/2013 10:24 AM EST
Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo waftigii uu hoggaaminayay oo maalintii labaad booqasho ku joogo Puntland ayaa khudbad dheer ka jeediyey xarunta golaha baarlamaanka Puntland, waxaa sidoo kale ra’iisul wasaaruhu uu booqasho kusoo kala bixiyay xarumo kala duwan, sida wasaaradaha cadaaladda, caafimaadka, xabsiga weyn oo dhisme ku socdo iyo madaxtooyada cusub oo dhismaheedu marayo heer gabo-gabo ah.

3/10/2013 8:44 AM EST
Axad, March 10, 2013(HOL): Iyadoo lagu guda jiro todobaadkii xuska maalinta haweenka adduunka ee ku beegan 8-da Maarso ayaa waxaa xalay munaasabad lagu xusayay maalintaas lagu qabtay magaalada Katrineholm ee dalka Sweden.

3/10/2013 1:59 AM EST
Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in cunno qabateynta hubka ee laga qaaday Soomaliya halis ku yahay amniga Somaliland, waxaanu sheegay inay ciidan ku filan oo difaaca leeyihiin.

3/10/2013 1:53 AM EST
Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaaba ayaa sheegtay in laba sarkaal oo ka tirsan ha’yadda nabadsugidda gobolka Banaadir ay ku toogteen Muqdisho, iyadoo aysan hay’adda nabadsugidda weli jawaab ka bixin dilka la sheegay in laba saraakiisheeda ah loo geystay.