3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2013
Dublamaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliya oo lagu Tababarayo Koonfur Afrika (SAWIRRO)


Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Dublamaasiyiin ka socda wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya oo tiradoodu tahay 20 ayaa wuxuu tababar ay ku baranayaan sida ay wasaaradda arrimaha dibaddu u shaqeyso uga socdaa dalka Koonfur Afrika.

Wajiga labaad ee tababarkan ayaa waxaa maanta uu ka furmay machadka tababarka, cilmi-baarista iyo horumarinta ee akadeemiyada dulamaasiyadda ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika, iyadoo ay casharro ka bixinayaan wasiirro iyo siyaasiyiin u dhashay dalka Koonfur Afrika.

Tababarkan ayaa waxaa looga gol-leeyahay sidii loo qaabeyn lahaa habka ay ku shaqeyso wasaaradda arrimaha dibadda, baratakoolka guud ee dowladda Soomaaliya, dejinta istiraatiijiyadda siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ee dowladda iyo shaqooyinka safaaradaha.

Waxaa lagu wadaa in tababarkan uu soo xirmo dhammaadka bishan Maarso iyadoo xafladda xirtaanka ay ka qaybgeli doonaan wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiiradda xiriirka caalamiga ah ee Koonfur Afrika, Maite Nkoana-Mashabane iyo mas’uuliyiin kale.

Xiriirka Soomaaliya iyo caalamka ayaa aad u soo xoogeystay kaddib markii la doortay madaxda dowladda joogtada ah ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ay tababarkan ugu deeqday Soomaaliya dowladda Koonfur Afrika.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/10/2013 8:24 PM EST
Bishan March 16keeda ayaa waxaa magaalada Minneapolis lagu qabandoonaa kulan lagu lafa-gurayo "YAA KA DAMBEEYA DILALKA QORSHEYSAN"

3/10/2013 12:48 PM EST
Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Maxkamad ku taalla dalka Jabuuti ayaa ku xukuntay saddex wadaad oo ka mid ah kuwa dalka Jabuuti xabsi min laba sano ah, kuwaasoo lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen abaabulka dibad-baxyo ka dhacay dalka Jabuuti doorashadii baarlamaanka kaddib.

3/10/2013 11:53 AM EST
Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu celiyay xukuumadda saddex hindise sharciyeed oo ay soo gudbisay wasaaradda garsoorka, iyadoo kulanka ay maanta ay kasoo qaybgaleen in ka badan 140-mudane.

3/10/2013 11:52 AM EST
Axad, Maar so 10, 2013 (HOL) — Wakiilka gobolka Awdal ee ururka haweenwka Qaranka Somaliland ee NOW, Kawsar Ibraahim Rijaal ayaa sheegtay in aysan u tartamayn jagada guddoomiyenimada xisbiga ee sannadkan.

3/10/2013 11:17 AM EST
Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda ee Masar, Maxamed Kaamil Caamir oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa waxay kulammo la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya, wasiirro ka tirsan xukuumadda, guddoomiyaha baarlamaanka iyo safiirro.

3/10/2013 10:24 AM EST
Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo waftigii uu hoggaaminayay oo maalintii labaad booqasho ku joogo Puntland ayaa khudbad dheer ka jeediyey xarunta golaha baarlamaanka Puntland, waxaa sidoo kale ra’iisul wasaaruhu uu booqasho kusoo kala bixiyay xarumo kala duwan, sida wasaaradaha cadaaladda, caafimaadka, xabsiga weyn oo dhisme ku socdo iyo madaxtooyada cusub oo dhismaheedu marayo heer gabo-gabo ah.

3/10/2013 8:44 AM EST
Axad, March 10, 2013(HOL): Iyadoo lagu guda jiro todobaadkii xuska maalinta haweenka adduunka ee ku beegan 8-da Maarso ayaa waxaa xalay munaasabad lagu xusayay maalintaas lagu qabtay magaalada Katrineholm ee dalka Sweden.

3/10/2013 1:59 AM EST
Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in cunno qabateynta hubka ee laga qaaday Soomaliya halis ku yahay amniga Somaliland, waxaanu sheegay inay ciidan ku filan oo difaaca leeyihiin.

3/10/2013 1:53 AM EST
Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaaba ayaa sheegtay in laba sarkaal oo ka tirsan ha’yadda nabadsugidda gobolka Banaadir ay ku toogteen Muqdisho, iyadoo aysan hay’adda nabadsugidda weli jawaab ka bixin dilka la sheegay in laba saraakiisheeda ah loo geystay.

3/10/2013 1:27 AM EST
Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, kaasoo kusoo baxay doorashadii dalkaas ka dhacday toddobaadkii lasoo dhaafay, isagoo shacabka Kenya ugu baaqay inay muujiyaan xasillooni.