4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo khudbad ka jeediyay Baarlamaanka Puntland, kormeerna ku tagay xarumo kala duwan (SAWIRRO)


Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo waftigii uu hoggaaminayay oo maalintii labaad booqasho ku joogo Puntland ayaa khudbad dheer ka jeediyey xarunta golaha baarlamaanka Puntland, waxaa sidoo kale ra’iisul wasaaruhu uu booqasho kusoo kala bixiyay xarumo kala duwan, sida wasaaradaha cadaaladda, caafimaadka, xabsiga weyn oo dhisme ku socdo iyo madaxtooyada cusub oo dhismaheedu marayo heer gabo-gabo ah.

Mudane Saacid ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa jeediyey ayaa aad uga hadlay ahmiyadda ay leedahay wadajirka iyo midnimadda Soomaaliya, isagoo xusay in loo baahan yahay in wax kasta oo walaac laga muujinayo loo xaliyo si hoose.

Intii uu khudbaddiisa ku jiray ayuu soo hadal qaaday arrimaha federaalka isagoona tilamaamay in Puntland ay mudan tahay in looga daydo sida ay u xasiliso arrimaheeda gudaha iyo sidii ay udub dhexaad ugu noqon lahayd sidii Soomaaliya looga hirgalin lahaa nidaam ku salaysan federaaliisim, Puntland dhankeedana looga baahan yahay inay muujiso sidii Soomaaliyada cusub ugu noqon lahayd tusaale fiican marka laga hadlayo arrimaha maamul wanaagga.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa ku aamany maamulka Puntland sida wanaagsan ee ay ugu soo dhabar adaygeen sidii Soomaaliya looga saari lahaa KMG-ka.



Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay cunno-qabtayta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, wuxuuna yiri: ”Guul ayay u tahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed, haddiise ay jiraan dad ka qaba walaac, waxaan u caddeynaynaa in siyaasadda dowladdu ay tahay in hubkaas shacabka Soomaaliyeed looga difaaco cadowga laguna ilaaliyo Qarannimada dalka.”

Shacabka Puntland ayuu ra’iisul wasaaruhu ugu baaqay inay ku dadaalaan sidii ay uga miro-dhalin lahaayeen siyaasadda ku dhisan dimuqraadiyadda, loona baahan yahay in la muujiyo dulqaad waqtiga loo gudbayo dhismaha maamul ay dadku soo doortaan, ayna mumiih tahay in lagu xalliyo khilaaf kasta wada-hadal.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha oo ay wehliyaan madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, C/raxmaan Sh. Maxamuud  Faroole iyo ku xigeenkiisa Mudane Cabdisamad Cali Shire ayaa booqasho socod ah kusoo kala bixiyay qaar ka mid ah wasaaradaha maamulka Puntland iyo xarumo ay ka mid tahay madaxtooyada cusub ee Puntland oo dhisme balaaran ka socdo.
















Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya