4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2013
Dibadbax ka dhan Dilalka iyo Soomaalida lagula Beegsanayo Dalka Koonfur Afrika oo ka dhacay Baladweyne (SAWIRRO)


Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Dibadbax looga soo horjeedo tacadiyada isugu jira dilalka, dhaca iyo boobka joogta ah ee lagu hayo Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Africa ayaa maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Banaanbaxa oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Midowgga Dhalinyarrada gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka qeyb-gallay dad kooban qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasoo siweyn u falalka foosha xun oo ay dadka madowgga ah ee u dhashay dalka Koonfur Africa kula kacayaan Soomaalida ku dhaqan dalkaas.

Waxaa ay siteen boorar ay ku qornaayeen hal ku dhagyo ka dhan ah dowladda Koonfur Africa, iyaga oo ku qeylinayay erayo ay ku muujinayaan sida ay dareenka ula qeybsanayaan walaalaha Soomaaliyeed ee  ku nool dalka Koonfur Africa.

Guddoomiyaha Ururka Midowgga Dhalinyarrada Dhalinyarrada gobollka Hiiraan ee soo qaban-qaabiyay dibadbaxa Max'ed C/llaahi Buraale Raaxeeye ayaa sheegay in xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha  ee lagula kacayo dadka Soomaalida noqon karaan danbiyo dagaal, isaga oo ugu baaqay dowladda Koonfur Africa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan arintan wax uga qabato.

“Waxaan aragnaa falalka lagula kacayo Soomaalida ku nool dalka Koonfur Africa danbiyo dagaal oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, gaar ahaan dilkii arxan darrada ahaa ee loogu geystay dalkaas walaalkeen C/naasir Max'ed Good oo ahaa wiil dhalinyarro ah oo 25 sano jir ah, arinta aan la qaadan karin ayaa aheyd in shacabka reer Koonfur Africa iska daawanayeen dilka noocaas oo kale ah, '' ayuu yiri guddoomiyaha Ururka midowgga Dhalinyarrada gobolka Hiiraan.

Maxamed C/llaahi Buuraale Raaxeeya ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in ay si deg deg ah u fara-galiso tacadiyada ka dhanka ah Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Africa oo hadda u muuqda ayuu yiri kuwa xadka ka sii baxaya, isaga oo taci gaar ah u dirray dhamaan ehelada muwaadininta  Soomaaliyeed ku dhimatay weerarada bahalnimada ah oo ay geysanayaan dadka South Africaanka ah.

Sidoo kale, isku soo baxa maanta ka dhacay magaalada Baladweyne waxaa ka hadllay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagara Dabageed oo sheegay in marnaba dowladda Koonfur Africa ka sugeynin shacabka Soomaaliyeed in ay ugu abaal-gudaan falalka noocan oo kale ah, iyadoo la og-yahay ayuu yiri kaalitii ay Soomaaliya ka qaadatay sidii dalkaas looga gudbin lahaa nidaamkii midab takoorka.

“Ma'aheyn wax shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayeen dowladda Koonfur Africa in loogu abaal-gudo falalka wuxuushnimada ah ee lagu hayo dadka Soomaalida ku nool dalkaas, laakiin waa arin waqtigeeda lagula xasaabtami doono dowladda Koonfur Africa,'' ayuu yiri guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

Dibadbaxan ka dhacay maanta magaalada Baladweyne ayaa qeyb ka noqonayo isku soo baxyo dhowr ah oo maalmihii ugu danbeeyay ka dhacayay qeybo ka mid ah gobollada dalka iyo dalalka caalamka qaarkood.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya