
Talaado, Jannaayo 08, 2013 (HOL) — Kulan cashooyinkii lasoo dhaafay uga socday deegaanka Dan-dan madaxdhaqameed ku kala dhex-jirey beelo isku maan-dhaafay dhul daaqsimeed la magaaleeyay oo lagu magacaabo Xamar-lagu-xidh oo 40-km dhinaca Koonfur-bari kaga beegan Degmada Buuhoodle ayaa ga`aammo lagaga soo saaray.
Madaxdhaqameedka halkaasi ku sugnaa oo uu shirkooda gudoominayay guddoomiyaha golaha dhaqanka, Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sheegay inay u qaateen go`aamnnadan si loo joojiyo colaadda labada beelood oo uu ugu dhaartay inaanay kala guurayn weligood.
Go`aammada laga soo saaray kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa: in beesha degaankaa samaysay ay leedahay oo aanay jirin beel ahaan dhul la kala leeyahay, beesha kalena inay meel u jirta 4-km ugu dhawaan ay degaan ka samaystaan taasoo ay madax-dhaqameedku ku macneeyeen inay isku magaalo noqdaan mustaqbalka soo socda.
Garaad Abshir Saalax oo ku hadlayay magaca beeshiisa ayaa sheegay inay qaateen go`aankan isagoo ka codsaday beesha Guuleed-garaad inay meel kasta oo ay joogaan la qaataan maadaama go`aankii iyaga laga xukumay oo ay waayeen wixii ay doonayeen ayna fulinayaan go`aanka madaxda dhaqanku ay gaareen.
Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe oo ah madax-dhaqameedka beesha reer Cali-geri oo ah beesha degaanka cusub sameysay ayaa wuxuu ku sheegay inay beel ahaan raalli ka yihiin go`aanka madax-dhaqameedku soo saareen.
Go`aankan oo ay soo saareen afar ka mid ah madax-dhaqameedka beesha Dhul-bahante lehna gole u dhexeeya ayaa sida uu sheegay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ay inta kalena kula socdeen khadka telefoonka marka laga reebo labada beelood ee is-hayay madaxdooda.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa dad badani dhawrayaan sida go`aanada ay soo saareen madax-dhaqameedka loo fuliyo iyo sidii loo kala furdaamin lahaa ciidammo isku kulaalaya halka la magaaley ee lagu magcaabo Geed-Xamadh ama Caraweyn iyadoo ay wilba jiraan rabitaanno siyaasadaysan oo ku wajahan degaamaynta oo ka imaanaysa maamullo.
Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool