4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 8 , 2013
Weerar ay ku dhaawacmeen Saraakiil ka tirsan Booliiska dalka Kenya oo xalay ka dhacay Magaalada Gaarisa

Talaado, Jannaayo 08, 2013 (HOL) — Afar qof oo ay ku jiraan saddex sarkaal oo ka tirsan saraakiisha booliiska Kenya iyo qof rayid ah ayaa ku dhaawacmay bambaano lagu weeraray xalay gaari ay wateen booliiska Kenya oo marayay bartamaha magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi-bari-Kenya.

Weerarkan ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Gaarisa, iyadoo kooxihii weerarka geystay ay u suurogashay inay ka baxsadaan goobta, waxaana weerarkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay ee sannadkan ka dhaca gudaha dalka Kenya.

"Tirada ku dhaawacantay weerarka waa afar qof, saddex ka mid ah way ka tirsan yihiin booliiska Kenya," ayay yiraahdeen taliyaha booliiska Gaarisa iyo taliyaha unug ka tirsan booliiska Kenya oo u tababaran sida milateriga, kuwaasoo magacyadooda qariyay.

"Bambaanada oo ahayd nooca gacanta laga tuuro waxaa lala beegsaday gaariga ay wateen saraakiisha," ayay hadalkoosa ku dareen. Balse taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari, Philip Tuimur ayaa xaqiijiyay in weerarku dhacay, balse wuu diiday inuu bixiyo faahfaahin intaas ka badan.

Weerarkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo shan askari oo ciidamada booliiska Kenya ka tirsan lagu dilay magaalada Gaarisa bishii November ee sannadkii hore. Laba ka mid ah askartan waxaa lagu dilay gaarigooda dhexdooda, halka saddexda kalena lagu dilay weerar toos ah.

Dalka Kenya ayaa tan iyo sannadkii hore ka dhacayay weerarro toos ah iyo kuwo loo adeegsanayo bambooyin, iyadoo saraakiisha dowladduna ay ku eedeeyaan inay ka dambeeyaan weerarradaas xubno gacan-saar la leh Al-shabaabta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya