4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 8 , 2013
Dowladda Talyaaniga oo sheegtay inay ka caawinayso Soomaaliya Tababarka Booliiska iyo dhinacyada Wax-soo-saarka

Talaado, Jannaayo 08, 2013 (HOL) — Dowladda Talyaaniga oo muddo dheer gumeysanaysay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay ka caawin doonto dowladda cusub ee Soomaaliya tababarka ciidamada iyo wax-soo-saarka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga, Guilio Terzi ayaa hadalkan ka sheegay xarunta Talyaaniga ee Roma kaddib markii uu kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo safar shaqo ku joogta dalka Talyaaniga.

“Talyaanigu wuxuu ka taageeri doonaa Soomaaliya xoojinta ammaanka, tababaridda ciidamada booliska iyo wax-soo-saarka beeraha iyo kalluumeysiga,” ayuu Terzi wariyeyaal ugu sheegay magaalada Roma.

Sidoo kale, wasiirradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf ayaa iyaduna sheegay inay ku faraxsan tahay in dib loosoo nooleeyo xiriirkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Talyaaniga.

“Innaga iyo Talyaanigu waxaan ku heshiinnay in loosoo nooleeyo dhammaan heshiisyadii dowliga ahaa ee ay labada dal horay u galeen, taasna waa guul weyn oo lagu faani karo,” ayay tiri wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo iyaduna saxaafadda la hadashay.

Booqashada ay wasiirraddu ku joogto dalka Talyaaniga ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo ay ku tagto dalkaas tan iyo markii loo magacaabay xilkan, waxayna horay u soo martay dalka Ingiriiska oo ay muddo dheer qoxooti ahaan ugu noolayd.

Talyaaniga ayaa isha ku hayay marxaladihii ay Soomaaliya soo martay tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya muddo 21-sano laga joogo, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Guilio Terzi uu 2011 ku yimid Muqdisho safar gaaban. 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya