Talaado, Jannaayo 08, 2013 (HOL) — Guddiga cadaalladda Somaliland ayaa isku shaan-dheyn ballaaran ku sameeyay guddoomiyeyaasha maxkamaddaha goboladda Somailland qaarkood.
Goboladda isku shaandheynta lagu sameeyey waxa ka mid ah Gobolka Maroodi jeex, Awdal, Saaxil iyo Gabiley, kuwaas oo isku bedel lagu sameeeyey, Sidaasna waxa lagu sheegay wareegta ka soo baxday xafiiska Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland, Md: Xuseen Axmed Caydiid.
1.Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex waxa laga dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Saaxil.
2. Gudddomiyihii rafcaanka Saaxil Cali Suudi laga dhigay Garsoore Maxkamadda rafcaanka Hargeysa.
3.Guddoomiyihii maxkamadda degmadda Hargeysa Cabdirashiid Beer-geel waxa la geeyay gudoomiyaha maxkamadda degmadda Gabilay.
4. Gudoomiyaha Maxmadda degmadda Hargeysa, waxa loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Mawliid.
5.
Guddoomiyihii maxkamadda gobolka gobolka Gabilay Feysal Cabdilaahi Daga-dago waxa la keenay Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodi-jeex.
6. Guddoomiyihii maxkamadda Gobolka Maroodi jeex Cabdirashiid Duraan waxa laga dhigay guddoomiyaha Maxkamada Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex.
7. Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Saaxil Ibraahim Aadan Yaasiin waxa la geeyay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal.
8. Guddoomihii Maxkamadda gobolka Awdal waxa la geeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil.
Isku bedelkan ayaa lagu wadaa inay wax ka tarto cadaaladda Somaliland oo si weyn looga dayrinayey, isla markaana dhibaato badan ka taagan tahay oo dadweynaha Somaliland si weyn u dhaliilaan cadaaladda, isagoo hore madaxweynuhu sheegay in loo baahan yahay in cadaaladda Somaliland wax laga qabto, isla markaana guddi u saaray ka soo tallo bixisa qaabka wax looga qabanayo, haseyeeshee ilaa hadda wax isbedel ah oo aan hadal ahayn ma jirto, walina waa la tabayaa in cadaaladda wax laga qabto, maadaama oo ah arrin dadweynuhu baahi weyn u qabaan.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
Guddiga Cadaaladda Somaliland oo is-bedello ku sameeyay Garsoorayaasha Maxkamadaha Gobollada Qaarkood
More News
- Maxbuus Soomaali ah oo isku dilay xabsi ku yaalla Dalka Talyaaniga
- Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo sheegay in Burcadbadeedda ay taageero ka helaan dalal diiddan nabadda Soomaaliya
- Danjire Augustine P. Mahiga oo sheegay in Qaramada Midoobay ay hab cusub kula shaqeyn doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya
- Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo isku afgartay in xilliga Holwgalka Ciidamada AMISOM la kordhiyo
- Go’aanno kasoo baxay kulammo lagu Qaboojinayay Xiisad u dhexeysay beelo isku khilaafsan deegaan la magaaleeyay
- Golaha Aqoonyahannada Koonfurta Somalia oo Shahaado la magac-baxday Qiimee qofkaaga guddoonsiiyay Ha’yado iyo Shirkado
- Wasiirka Dib-u-dejinta iyo Wasiir xigeenka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo Maanta Xilalkoodii loo Ansixiyay
- Haweenka ku jira Xeryaha Barakacyaasha Muqdisho oo ka cabanaya Kufsi ay u geystaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya
- Maamulka Ahlusunna oo sheegay in ay guulo ka gaareen dagaallo ay gobolka Gedo kula galeen Al-shabaab
- Dowladda Talyaaniga oo sheegtay inay ka caawinayso Soomaaliya Tababarka Booliiska iyo dhinacyada Wax-soo-saarka
- Ciidamada AMISOM oo lagu wareejiyay Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo oo ay horay u joogeen ciidamada Itoobiya
- Weerar ay ku dhaawacmeen Saraakiil ka tirsan Booliiska dalka Kenya oo xalay ka dhacay Magaalada Gaarisa