4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2013
Madasha Dumarka Soomaaliyeed ee Eskilstuna-Sweden oo la aas aasay (SAWIRRO)


Sabti, Feberaayo 09, 2013(HOL)— Shirar xiriir ah oo in muddo soo socday, isla markaana looga arrinsanayay dhismaha Madasha Dumarka Soomaaliyeed ee Eskilstuna ayaa gunaanadkoodii waxaa maanta lagu guuleystay in la dhameystiro dhismaha madasha, iyadoo shirkii maanta lagu doortay xubno guddi fulin ah oo 9 xubnood ka kooban, kuwaasi oo isugu jira rag iyo dumar.

 

Ka hor intii aan la doortay xubnaha Madasha Dumarka Soomaaliyeed waxaa khudbooyin ka jeediyay C/qaadir Maxamuud Walaayo, Nuur Cali Xasan, Sacdiyo Cabdulle Weged, Ciise Ismaaciil Ciise iyo Culumaa’udiin ay ka mid ahaayeen Shiikh C/xakiin iyo Shiikh C/raxmaan Faarax, kuwaasi oo dhammaantood muujiyay sida ay lagama maarmaanka u tahay midnimo ay la yimaadaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sweden, gaar ahaan Eskilstuna, bacdamaa sida ay yiraahdeen ay midnimo la’aantooda u soo hoos-geli karaan dhibaatooyin dhinaca bulshada ah.

 



Xubnihii Madasha lagu doortay 9 xubnood ahaa ayaa waxay magacyadooda kala yihiin:

 

Aamina Aadan

Xaliimo Cabdullaahi

Xaawo Cumar

Ismahaan Xasan

Luul Muuse

Faadumo Muuse

Astur Jeenyo

Ciise Ismaaciil Ciise

Samatar Cariif

 



Madasha Dumarka Soomaaliyeed ee Magaalada Eskilstuna ayaa waxay howshoodu tahay:

 

1-      Ilaalinta danaha guud  ee Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaa Eskilstuna, xagga arrimaha bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha qoyska Soomaaliyeed.

 

2-      Isdhexgalka bulshada ay la nool yihiin ee Swedish-ka ah iyo dadywoga kale ee ka yimid dalalka ay dhibaatooyinka ka dhaceen sida Soomaaliya oo kale, kuwaasi oo iyana ku nool Sweden.

 

3-      In uu door weyn ka qaato horumarka, aqoonta ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta Dugsiyada Swedish-ka ee dhibaatooyinka kala kulmay wax ku barashada afka Swedish-ka, si caawimaad dheeraad ah ay u helaan.

 

4-      In uu door ka qaato adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed ee Eskilstuna iyo guud ahaan Sweden.
 


Dhismaha Madasha Dumarka Soomaaliyeed ee Eskilstuna ayaa waxay ka dambeysay codsi ka yimid dadka Swedish-ka ah ee martida loo yahay, kuwaasi oo Soomaalida ka codsaday in ay sameystaan Urur ay ku mideysan yihiin iyo xarun dadka isugu yimaadaan.
 

Shirkan lagu dhisay Madasha Haweenka Soomaaliyeed ee Eskilstuna iyo shirar kale oo badan oo gogol xaar ahaa ayaa waxaa fududeeyay Sacdiyo Cabdulle Weged, Nuur Cali Xasan, C/qaadir Maxamuud Walaayo iyo Ciise Ismaaciil Ciise.





 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]