4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2013
Dowladda Turkiga oo loogu baaqay inay dhexdhexaadiso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarakada Al-Shabaab

Somali scholars call on Turkey to mediate talks with al-Shabaab
Sabti, Feberaayo 09, 2013 (HOL) — Dowladda Turkiga ayaa loogu baaqay inay dhexdhexaadiso dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ee dagaalka kula jira, si dalka nabaddiisa ay u soo laabato, iyadoo aysan jirin wax jawaab ah oo uu Turkigu ka bixiyay dalabkaas.

Gole ay leeyihiin ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Turkiga ayaa shalay oo Jimco ahayd u soo jeediyay xukuumadda Turkiga inay billowdo sidii ay u dhexdhexaadin lahayd dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-shabaab.

“Qof walba waa og-yahay in Turkiga uu yahay dalka keliya ee Soomaaliya ka sameeyay dadaallo bani’aadamnimo iyo howlo Islaami ah. Sidaa daraadeed waxaan dalbanaynaa inay gacan ka geystaan sidii ay u dhedhexaadin lahaayeen dhinacyada isku haya Soomaaliya,” ayuu yiri Bashiir Salaad oo la hadlay wakaladda wararka Turkiga isagoo ku hadlayay magaca ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalkaas.

Bashiir wuxuu intaas ku daray in dowladda Turkiga ay tahay dowlad weyn oo xal u heli karta muskiladda ka aloosan Soomaaliya, taasna ay tahay sababta ay uga dalbanayaan inay qayb weyn ka qaadato xal u raadinta Soomaaliya.

“In heshiis lala galo Al-shabaab waa mid muhiimad weyn leh, balse ma ahan mid dhib yar. Waxaana oo jeedin lahayn in xal u helidda muskhiladdan loo maro qaab nabadeed ay siyaasadi ku mal-dahan-tahay,” ayuu Bashiir Salaad hadalkiisa ku daray.

Dalka Turkiga ayaa waxaa ku sugan kumannaan arday Soomaaliyeed ah oo deeqo waxbarasho ka helay dalkaas, iyadoo dalabkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ay ardaydaas ay u jeediyaan Turkiga, maadaama ay Turkigu saameyn ku leeyihiin arrimaha Soomaaliya.

Xukuumada Turkiga ayaa horay isugu dayday inay dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab dhexdhexaadiso, inkastoo aysan taas ku guuleysan, sidoo kalena ma jiro hadal arrintan ku saabsan oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya