4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2013
Kulan lagu soo Af-meerayo Colaad u dhexeysa beelo ku nool Gobolka Sool oo ka billowday deegaanka Saax-dheer

Sabti, Feberaayo 09, 2013 (HOL) —Isku-day lagu doonayo in lagu soo af-jaro xiisad colaadeed oo maalmihii la soo dhaafay ka aloosnayd deegaanka Saax-dheer oo 70K-km Koonur-galbeed Galbeed kaga beegan magaaladda Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Maxamuud Maxamed Cali (Sablaale) oo ka mid ah guddi 15-xubnood ka kooban oo loo xil saaray go`aan ka gaarista arrintan ayaa wuxuu sheegay in ciidammo xoog leh oo duulaan ku socday ay ku celiyeen meel 30-k u jirta Saax-dheer oo lagu magcaabo Dharkayn-geenyo.

Sablaale wuxuu intaas ku daray in ciidamada oo kasoo kicitimay magaalada Buuhoodle ay la socdeen odayaal kuwaasoo doonayay inay jawaab ka helaan beelsha deegaanka Qorilleey oo haysta nin maamulka Somaliland u qabteen inuu diley guddoomiyihii maxkamadda Racfaanka gobolka Sool, Ibraahin Shire Duuble nikaas oo dil maxkamadeed lagu xukumay.

Sidoo kale Sablaale oo aan wax ka weydiiney halka uu isku-daygan lagu doonayo in lagu joojiyo xiisadda ayaa sheegay in odayaashii labada dhinac ay haatan wareysanayaan; inkastoo uu sheegay inay tahay arrin aad u adag oo in la isku afgarto ay aad u fog tahay; isagoo sheegay inay rajo ka qabaan inay ugu dhamaato sida ugu fudud iyagoo Illaahay talo saaranaya.

Arrintan oo ah mid dhegaha dadka ku cusub ayaa waxaa si aad ah looga cabsi qabaa inay faruurto oo waddo u horseeddo in dadka dambiyada u xiran  raadkooda dib loo raaco, walow ay jiraan odayaal meelo badan ka kala yimid oo kusii qulqulaya deegaanka Saaxdheer.

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool