4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Maanta si rasmi ah u furay kulan looga hadlayo xeerka Isgaarsiinta iyo Warbaahinta


Sabti, Feberaayo 09, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta si rasmi ah u furay kulan looga doodayo xeerka isgaarsiinta iyo warbaahinta oo ay soo diyaarisay wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo gadiidka, waxaana kasoo qayb-galay bahda saxaafadda, isgaariisnta iyo khuburo ka socota caalamka.

Xeerkan ayaa ujeedkiisu yahay sidii shuruuc loogu samayn lahaa isgaarsiinta ka howlgasha dalka sida: shirkadaha telefoonnada, internetka iyo sidoo kale warbaahinta qaybaheeda kala duwan oo in ka badan mudo 22-sano ah aan loo sameyn shuruuc cayimaysa xuquuqdooda shaqo iyo qaabkii dowladda canshuurta uga qaadi lahayd.

Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka, Cabdullaahi Cilmooge Xirsi oo hadalka furay ayaa ka hadlay muhiimadda uu leeyahay kulanka isagoo yiri: “Kulankan wuxuu soconaya labo maalmood, waxaana looga doodayaa xeerka isgaarsiinta iyo warbaahinta, dowladduna waxay qiraysaa in muddo dheer aad kusoo shaqeyseen dhibaatooyinka, iyadoo la ogyahay kaalinta ay isgaarsiinta iyo warbaahinta ka qaadatay horumarinta bulshada muddadii aan ku jirnay burburka iyo dowlad la’aanta.

Isagoo hadalkiisa ku daray in dib-u-dhiska dalka ay shirkadaha isgaarsiintu ka qateen kaalin mug leh. Wuxuuna dhanka kale sheegay inay khaldameen waxyaalo badan mudadii aan ku jirnay dowlad la’aanta. 

“Waxaa khaldamay in la kala garto waxa dadku gaarka u leeyihiin iyo waxa dadka ka dhaxeeya, waxaa la jabiyay xeerarkii u yaallay caalamka iyadoo la isticmaalay Mowjado ay waddamo kale leeyihiin, waxaa lagu xad-gudbay xuquudii muwaadinka iyadoo lagu khasbay inuu qaato saddex telefoon, si uu shirkad kasta u isticmaalo telefoonkeeda, waxaa isku marmay fiilooyinkii taleefoonada iyo kuwii korornta ee waddooyinka dhinacyadoda la sugay, si loo saxo dhammaan khaladaadkaas waxaa dowladdu soo diyaarisay xeerkan oo la rabo inaad taladiina kusoo biirisaan kaddibna loo gudbiyo wasiirrada si looga ansixiyo ugu dambayna la horgeeyo baarlamaanka si looga dhigo harci sharci lagu dhaqo isgaarsiinta iyo warbaahinta dalka,” ayuu wasiirku ku daray hadalkiisa.

Ra’iisul Wasaare Saacid oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa u mahad-celiyay kaalinta muuqata oo ay shirkadaha isgaarsiintu kasoo qaateen horumarinta dalka.

“Waxaan u mahad-celinayaa kaalinta wax-ku-oolka ah ee ay shirkadaha isgaarsiintu kasoo qaateen hurumarka dalka muddadii dheerayd ee aan ku jirnay colaadaha iyo dowlad la’aanta. Waxaan la dhayal-san karin sida ay u taageeraan adeegyada bulshada oo ay ka midka yihiin, isbitaallada, waxbarashada, masaajidada iyo iyagoo taageero dhaqaale u fidiya dadka marka abaaruhu soo wajahaan. Waxaa kaloo muhiim ah in la xuso heerka ay shirkaduhu gaarsiiyeen dalkeena oo aanay dowladi ka jirin ama nidaam adag lahayn muddo ku dhow 22-sano inuu noqdo dal ku hormaray isgaarsiinta iyo aaladda internetka, taasoo Soomaaliya ka dhigtay inay safka hore kaga jirto dalalka Afrika ee ku hormaray isgaarsiinta,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in dowladdu ay diyaarisay nidaamkii looga qaadi lahaa canshuuraha shirkadaha isgaarsiinta, taasoo wax weyn kusoo kodhin doona dhaqaalaha dalka, dowladduna waxay ballan-qaadaysaa in canshuuraadkaas lagu hormariyo adeegyada kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in warbaahinta –madaxa-bannaan ee dalka ka jirta ay si mas’uuliyadi ku jirto u gutaan shaqadooda; ayna ku dadaalaan sidii fariin ka turjumaysa horumarka ay ugu dugbin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka intiisa kale.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya