4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2013
Arday Soomaaliyeed oo Abaal-marinno Qaali ah lagu Guddoonsiiyay Magaalada London ee dalka Britain [SAWIRRO]



Sabti, Feberaayo 09, 2013 (HOL) — 13 Caruur Soomaali ah oo ku nool wadanka Uk ayaa helay abaal marinno qaali ah kuwaasi oo shan ka mid ah ay ku mutaysateen xifdinta qur’aanka kariimka, halka sideeda arday oo kale ay iyagana kaalimaha koobaad ay ka galeen iskuulladii ay dhiganayeen isla markaana ku wanaagsanaa dhanka barashada diinta islaamka.

Goobtii ay xafladda ka dhaceysay ayaa waxa soo buux dhaafiyay boqollaal qof oo isugu jiray Siyaasiin u dhalatay ingiriiska iyo wasaaradda waxbarashada Uk, Waaliidiin, aqoon yahanno iyo culumaa’udiin Soomaaliyeed, kuwaasi oo dhamaantood sheegay in barnaamijkani uu yahay mid weyn islamarkaasina uu noqonayo barnaamijkii ugu horeeyay oo tiro intaa la eg oo ardey Soomaaliyeed ah lagu gudoonsiiyo abaalmarinno.

Cabdi Xafiid Max’uud Jaamac oo ah madaxa barnaamijka Arimaha Bulshada ee Tv-ga Universal islamarkaasina goob-joog ka ahaa xafladdii ardeyda lagu gudoonsiinayay shahaadooyinka ayaa sheegay in munaasabaddu u dhacday si aad u wanaagsan, isagoona intaa ku daray in ardayda Soomaaliyeed ay noqdeen sanadihii lasoo dhaafay kuwo kaalmaha koobaad ka gala wadanka Uk islamarkaana ardaydu ay yihiin kuwo ku wanaagsan dhanka diinta Islaamka iyo Maadiga.

Barnaamijkani abaalmarinta lagu gudoonsiiyay 13-ka ardey ayaa waxa soo qabanqaabiyay Tv-ga Universal gaar ahaan barnaamijka arimaha bulshada, wuxuuna ahaa barnaamijkii ugu weynaa uguna horeeyey noociisa ee lagu qabto Magaalada London ee dalka Ingiriiska.








Mohamed Muse Noor (Deeq Darajo).
Hiiraan, Online.