4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2013
Howlo Nadaafadeed loogu diyaar-garoobayo Maalmaha Ciidda ee soo socda oo ka billowday Magaalada Buuhoodle (SAWIRRO)


Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Olole nadaafadeed  oo lagu hagaajinayo bilicda magaalada Buuhoodle ayaa maanta laga billaabay degmadaas iyadoo loogu diyaargaroobayo nadaafaddan maamaha ciidda ee ee inagu soo fool leh.

Howshan nadaafadeed oo ay soo qaban-qaabiyeen golaha deegaanka ee maamulka Khaatumo ee dhawaan laga dhisay magaalada Buuhoodle ayaa waxaa ka qayb-qaadanayay oo gacan ka geystay urrurada dhallinyarada, haweenka, gaadiidleyda iyo dadweyne fara badn .

Duqa degmada Buuhuudle, Deeq Yuusuf faarax ayaa si weyn ugu mahad-celiyey dadkii ka gacan siiyay hawlgalkan oo uu sheegay inuu ahaan doono mid la joogteyn doono si loo helo buu yiri bilicda magaalada iyo dhowridda caafimaadka.

Sidoo kale, Deeq Yuusuf wuxuu ka codsaday bulshad reer Buuhoodle inay u soo jeestaan waxqabad iyagana gacan ka siiyaan hawlaha ay ugu adeegayaan bulshadooda.

Hawlgalkan ayaa ah mid golaha deegaanka ee dhawaanta loo dhisay ay doonayaan inay ku hantaan quluubta bulshada; iyadoo ay jiraan dad kasoo horjeeda, waxaana dadku naawilayaan haddii aanay dib uga noqon tallaabadan ay billaabeen inay heli doonaan bulshada Buuhoodle oo aan wax-qabad helin.




Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool