4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2013
Xildhibaan Keith Ellison oo taageeray ololaha Doorashada Murashaxa Cabdi Warsame ee Golaha Deegaanka Minneapolis


Musharax Cabdi Warsame iyo Xildhibaan Keith Ellison


Isniin, Agoosto 05, 2013 (HOL) - Keith Ellison oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka sharci dejinta Congress ee dalka Mareykanka ayaa soo dhaweeyay musharraxa Soomaaliyeed ee Cabdi Warsame oo u tartamaya golaha deegaanka magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, isagoo u sheegay inuu ugu deeqayo taageeradiisa, isla markaana ka qeyb galayo isku soo baxyada ololihiisa.

“Waxaan nahay isku xisbi, isku mowqif iyo aragtid, sidaa daraadeed waxaan kugu taageeri doonaa wixii aan awood u leeyahay” ayuu Congressman Keith Ellison ku yiri Cabdi Warsame, isagoo intaas u raaciyay “Guushaadu waxay ii leedahay farxad gooni ah, waana ka gudbi doonnaa caqabadaha ina wada heysta”

Kulankan ay wada qaateen Ellison iyo Warsame ayay diiradda ku saareen sida ay uga wada shaqeyn doonaan dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha, guryeynta iyo shaqo abuurista .

“Taageeradaadu ahmiyad weyn ayay u leedahay qoomiyadda aan ka soo jeeda ee Soomaaliyeed iyo guud ahaan dadka bariga Africa iyo gaar ahaan deegaanka 6-aad ee aan u tartamayo, waana kaaga mahadcelinayaa sidaas ii taageertay” ayuu cabdi Warsame ugu mahadceliiyay Congressman  Ellison.

“Waxaan ahay isbedel doon, waxaana I dhaqaajiya baahida deegaanka aan u tartamayo ee ward 6” ayuu Warsame sii raaciyay

Xubanaha kale ee taageeray ololaha musharraxa Cabdi Warsame waxaa ka mid ah, Phyllis Kahn oo ah wakiilka degmada 60B ee gobolka Minnesota, Kari Dziedzik (60),  John Erwin iyo Scott Vreeland.

“Ward 6 waxay fursad u heysataa inay doorato Cabdi Warsame oo ah nin leh xirfad wanaagsan iyo aqli, kaas oo aragtiduusana dheertay, waana sababta qarnigan 21-aad Minneapolis ugu baahantahay in si dhab ah u hesho Cabdi oo kale” ayuu yiri siyaasiga Phyllis Kahn.

Keith Ellison waa shaqsigii ugu horeeyay ee Muslim ah oo loo doortay congreeska Mareykan, sidoo kale waa shaqsigii ugu horeeyay oo asalkiisu African yahay noqday congressman laga soo doorto Minnesota

Faarax Blue,  Hiiraan Online,
[email protected]
Minneapolis, Minnesot