4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2013
Dowladda Soomaaliya oo markii ugu Horreysay loosoo Tababaray ciidammo Booliis ah oo u Tababaran Sida Milateriga


Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa loosoo tababaray markii ugu horreysay ciidammo booliis ah oo u tababaran sida mliateriga, kuwaasoo tiradoodu gaarayso 125-askari, waxayna tababarkan ku qaateen muddo afar bilood ah xerada milateriga Bihanga ee dalka Uganda.

Tababarkan ayaa dhaqaale ku bixisay Midowga Yurub iyadoo tababarkana ay bixinayeen saraakiil Yurubiyaan ah. Waxaana ciidamadan la baray howlaha milateriga iyo farsamooyin la xiriira isku xirka ciidamada iyo shacabka.

“Ciidamadan tababarka dhameystay waa kuwo loogu talogalay inay qayb ka qaataan soo celinta ammaanka guud ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war ay soo saareen saraakiishii tababarkan siiyay ciidamada Soomaalida ah.

Soo xiritanka tabaarka ciidamadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa daniraha Soomaaliya u fadhiya dalka Uganda, Sayid Axmed Sheekh Daahir, iyadoo lagu wado in ciidamadan dib loogu soo celiyo Soomaaliya toddobaadyada soo socda.

“Waxa la idiin tababaray ma ahan oo keliya in la idiin qabto xafladdan aad ku qalin-jabinaysaan oo keliya, balse waa inaad dib ugu laabataan dalkii oo aad ka hortagtaan ammaan-darrada iyo la burburiyo hantida shacabka ka dhexeysa,” ayuu yiri dajire Sayid Axmed oo la hadlayay ciidamadan loosoo xiray tababarka.

Soomaaliya ayaa waxaa dalka Uganda loogu tababaray 3,400 oo askari oo ay ku jiraan kuwa hadda tababarka loosoo xiray, tan iyo markii Midowga Yurub uu billaabay inuu tababarro siiyo ciidamada Soomaalida sannadkii 2010.

“Markii Uganda ay billowday howlgalka waxay ku guuleysatay inay dalka ka saarto kooxihii nabadda kasoo horjeeday, ciidamadeeduna waxay dalka ku sugnaayeen muddo shan sano ah iyadoo aan mushaar qaadan, waxayna ka gaartay heer sare caawinta dalal kala duwan oo ay Soomaaliya ka mid tahay,” ayuu hadalkiisa ku daray danjiraha.

Sidoo kale, wuxuu ciidamada u sheegay in horumarka iyo nabadda dalka walba ay ku xiran tahay ciidamadiisu sida ay u shaqeeyaan, wuxuuna ku boorriyay ciidamadan tababarka soo dhameystay inay mujiyaan karti iyo dadaal dheeraad ah.

Sidoo kale, taliyaha ciidamada lugta ee dalka Ugtanda, Maj-Jen. David Muhozi, oo isaguna ka hadlay xiritaanka tababarkan ayaa shegay inuu ka mid yahay tababarrada ay saraakiisha Midowga Afrika ku siinayaan dalka Uganda inta aan tababarka loo wareejin Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxaa goobta ka hadlay saraakiil ka socday Midowga Yurub oo sheegay in howlgalkan uu qayb ka yahay taageerada la siinayo Somalia si ay dib loogu soo celiyo ammaankii iyo kala dambeyntii muddo 22-sano ah kaddib.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya