MADAXWEYNE FAROOLE: " waxan u aragnaa maamulka hadda Xamar jooga inuu yahay maamul wax uruur sanaya oo cararaya"
Arbaco, Oktoobar 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland oo maanta Garoowe dib ugu soo laabtay ayaa ka hadlay mashaariic shidaal baaris ah oo la filayo in sanadka soo socda ay ka bilaabmaan qaybo kamid ah dalka Soomaaliya.
C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa ka digey mashaariicdaas oo sida uu sheegay dhibaato horseedi kara, maadaama nidaamka federaalku aanu weli si dhameystiran dalka uga hirgelin, islamarkaana uusan jirin heshiis laga gaarey qaabka lagu qaybsan doono khayraadka dalka.
"arintaas wax badan baan ka hadalnay qoraalna waan ka samaynay, dadka arintaas ku shuqul leh yey dhibaato inoo keenin...shuruuc baa ka taal dalka cid kasta iyadu meesha ay degen tahay awood u siinaysa shidaal baarista... faragelinta ha layska dhaafo, shirkadahaasna waxan leenahay ka jooga" Madaxweynaha Puntland ayaa sidaas yiri.
Faroole ayaa sidoo kale soo hadal qaaday heshiiskii ay dhowaan dowladda federaalku la gashay hay'adda caalamiga ah ee duulimaadyada rayidka (ICAO ) ee dhigayey in maamulka hawada Soomaaliya lagu wareejiyo dowaladda federaalka.
Hay'adda ICAO ayuu ugu baaqay in ay heshiiskaas ka laabato, maadaama sida uu tilmaamay aan la dhameystirin maamullada dalka, suurtagalna aysan noqon karin xilligan in khayraadka guud ee dalka si siman looga wada faa'iideysto.
" Waxan u aragnaa maamulka hadda Xamar jooga inuu yahay maamul wax uruur sanaaya oo cararaaya, haddii uusan sidaas ahayn wixii lagu heshiiyey ayuu hirgelin lahaa oo maamul ku ahaan lahaa" ayuu yiri.
Madaxweyne Faroole wuxuu ugu dambeyntii ka hadlay doorashooyinka soo wajhan ee Puntland, isagoo sheegay in faragelin badan lagu hayo. Tusaale wuxuu usoo qaatay farriimo ka yimid dowladda federaalka oo dhowaan shirkadda isgaarsiinta Golis ay macaamiisheeda adeegga moobeylka u dirtay.
Farriimahaas ayaa shacabka loogu sheegay in si midnimada guud loo dhowro, qarannimadiina loosoo celiyo ay tahay in meel looga soo wada jeesto cid kasta oo taas caqabad ku noqon karta.
Faroole oo arrinta fariimahan oo muran ka dhex abuurtay Puntland iyo shirkadda Golis ka hadlayey wuxuu yiri: "Waad aragteen fariimo ay soo dirtay Golis...waxan u qaatay anigu inay tahay kacdoonkii loo baxshay Rabiicul Carab oo ay u dhigeen Rabiicul Puntland. Hadalkaasi cidna waxba kama bedelayee yaan lagu hungoobin"
Khudbadda madaxweynaha Puntland oo ahayd mid muddo 30 daqiiqo ah socotey, wuxuu kusoo qaaday arrimo badan oo ay kamid ahaayeen: safarro ay isaga iyo wefdi uu horkacayaa muddo todobaadyo ah dalka dibaddiisa ugu maqnaayeen iyo heshiisyo ay lasoo saxiixdeen dalal dhowr ah.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online,
[email protected],
Boosaaso, Puntland.
More News
- Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay
- Mas'uuliyiin Matalayay Hay'adaha Dowladda iyo Dublamaasiyiin ka socotay Netherlands oo kulan ku yeeshay Muqdisho (SAWIRRO)
- MADAXWEYNE GEELLE: “Ciidamadeennu way sii joogayaan Soomaaliya inta itaalkeennu yahayna waan taageeraynaa walaalaheen”
- Ciidamada Amniga Itoobiya oo saddex qof u xiray Qaraxii Maalmo ka hor ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalkaas
- Wasiirka Amniga Maamulka Puntland oo Shaaciyay in Al-shabaab ay waddo abaabullo ay Weerarro kaga geysanayso Puntland
- Madaxweynaha Dowladda Somalia oo sheegay in Kaalmooyinka Caalamiga ah ee dhinaca Ammaanka ay aad u yar yihiin
- Wajigii labaad ee qorshaha doorashada Maamulka cusub ee Gobolka Hiiraan oo la guda-galay iyo ergooyin la xulayo (SAWIRRO)
- Ra’iisul Wasaarha Somalia oo sheegay in Wadashaqeyn Wanaagsan ay kala shaqeyso Golaha Baarlamaanka Soomaaliya
- Afhayeenka Guud ee Al-shabaab oo Shaaciyay in Kenya ay ku dhawaatay in ay ka mid noqoto Deegaannada ay ka taliyaan
- Xoghayaha Baarlamaanka oo shaaciyay in aysan waxba ka jirin inay Ra’iisul Wasaaraha ka dalbadeen inuu kaslooni weydiisto