4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 16, 2013
Madaxweynaha Dowladda Somalia oo sheegay in Kaalmooyinka Caalamiga ah ee dhinaca Ammaanka ay aad u yar yihiin

Arbaco, Oktoobar 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somali, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kaalmada dhinaca ammaanka ah ee ay ka helaan dalalka caalamku ay tahay mid aad u yar, isagoo ugu baaqay in Soomaalidu ay ku tashato in ciidamada ammaanka aysan jirin cid u maqan.

Xasan Sheekh oo warbaahinta kula hadlayay Muqdisho ayaa sheegay inay dowladdu xoogga saarayso sidii ammaanka dalka lagu xaqiijin lahaa, balse aysan helin kaalmooyin ku filan.

“Qorshaheennu waa inaan dib u dhisno ciidamadeenna ammaanka si aan u xaqiijinno in ammaanka dalka uu u noqdo mid la isku halleyn karo, laakiin kaalmooyinka aan ka helno dunida aad ayay u yar yihiin,” ayuu Xasan Sheekh ku sheegay hadalka uu siiyay warbaahinta.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in dowladdiisa ay mar walba xoogga saarayso sidii ay ammaanka dalka u sugi lahayd, isagoo intaas ku daray in dowladdu ay ka  go’an tahay dhaqaale la’aan iyo haddii dhaqaale la helaba inay sugi doonto ammaanka dalka, gaar ahaan Muqdisho.

“Ciidamadeenna inaan dhisno innaga ayaa nalaga doonayaa, dhaqaale badan oo dhinac amniga ah ma jiro, balse shacabka ayaa looga baahan yahay inay gacan ka geystaan dhismaha ciidamada amniga” ayuu madaxweynuhu ku daray hadalkiisa.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia wuxuu sheegay in qorshayaasha shaqo ee u daggsan ay dowladdiisa uu ugu horreeyo qodobka ammaanka, kaasoo ay naga go’an tahay buu yiri inaan ka miro dhalino.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliay wuxuu dalalka Afrika iyo kuwa la ah Soomaaliya dariska uu ugu baaqay inay gacan ka geystaan dagaalka Al-shabaab lagula jiro, isagoo sheegay in kooxdan ay khatar ku tahay Somalia iyo dalalka gobolka oo dhan.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu ururka Midowga Afrika ku baaqay in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo bishii hore weerartay dhisme ganacsi oo ku yaalla magaalada Nairobi.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya