4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2013
Madaxweynaha Somalia oo Addis Ababa kula kulmay Madaxweynaha dalka Uganda iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay maanta madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni iyo ku ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn.

Madaxweyne Xasan ayaa ayaa kala hadlay Museveni xiriirka labada waddan, AMISOM iyo arrmaha ammaanka Soomaaliya, iyagoo isla gartay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo sidii Soomaaliya ay dib cagaheeda isugu taagi lahayd.

Sidoo kae, madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu kulan kaas la mid ah la qaatay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, iyagoo kaga hadlay kulankooda xiriirka labada dal, arrimaha amniga, ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ku sugan, arrimaha IGAD iyo sidii dalalka Geeska Afrika ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka kooxaha Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.

Madaxweyne Xasan ayaa uga mahadceliyey Desalegn dadaalka ay dowladda Itoobiya ugu jirto sidii nabad looga dhalin lahaa Soomaaliya, isagoo xusay in Itoobiya iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir adag.

“Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar, isla markaana waxay diyaar u tahay inay caalamka wax la qabsato oo sharaftii iyo karaamadii Soomaaliya dib loo soo celiyo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo raaciyay in Soomaaliya ay ahaan jirtay dalka ugu nabadoon caalamka, isla markaana ay taageertay dalal badan oo Afrikaan ah, haddana ay soo muuqanayso ifafaalihii nabadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu mahadceliyey Desalegn sidii sharafta lahayd ee loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa, isagoo xusay inuu ku kalsoon yahay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay caalamka kaalin fiican ka geli doonaan.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya