4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2013
Hay'adda Samafalka HIRDA oo la Guddoon-siiyay Abaalmarinta Sannadkan 2013-ka ee African Achievers Award (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo ay kasoo qayb-galeen diplomaasiyiin ay ka mid ahaayeen safiirka Nigeria u fadhisa Holland, safiirka dalka Ghana, safiirka Sierra Leone, xubno ka socotay dowladda Kenya, baarlamaanka EU-da qaybtiisa horumarinta Afrika iyo shaqsiyaad kale oo ay ka mid yihiin gabadha haysata kaalinta laabad ee quruxda Afrika, gabadha haysata biladda Top Model-ka, jiliyaal caan ah iyo xubno kale, isla markaana lagu bixinayay abaal marinta Africa Achievers Award 2013 ayaa lagu qabtay magaalada Almere ee dalka Netherlands.

Munaasabadda ayaa waxaa Abaal-marin lagu guddoonsiiyay agaasimaha hay'adda HIRDA ee fadhigeedu yahay dalka Holland, Faadumo Faarax kaddib markii hay'adda HIRDA oo ka howlgasha Soomaaliya, loo aqoonsaday inay tahay hay’adda ugu dhaq-dhaqaaqa badan hay'adaha Afrika ee ka shaqeeya samafalka, waxbarashada, isboortiga iyo arrimaha haweenka.

Abaalmarintan ayaa ah mid ay sannad walba bixiso ay The Voice Magazine.

DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, waxaa xaflada abaalmarino kala gedisan lagu guddoonsiiyay xubno kale oo isugu jiray wariyeyaal, jiliyaal, shaqsiyaad u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada, dublamaasiyiin, aqoonyahano, ganacsato horumarin ka sameeyay dalalka ay kasoo jeedaan iyo shaqsiyaad kale, kuwaasoo lagu amaanay kaalinta ay ka qaateen wax u qabadka, horu-marinta iyo dib u dhiska dadkooda iyo dalkooda.

Xafladaan ayaa la filayay in uu kasoo qeyb galao Madaxweynaha dalka Sera-leon, inkastoo uu Madaxweynaha ka baaqsaday ayaa hadana waxaa goobta ku sugnaa Wakiil ka socday xafiiskiisa iyo Safiirka dalkaasi, iyadoona khudbado munaasabada laga jeediyay dhamaantood diirada lagu saayay sidii la isaga kaashan lahaa Horu-marinta dalalka Afrika.

Munaasabadaan oo ah mid sanadkiiba mar lagu qabto dalka Holland, ayaa sanadkaan aheyd markii ugu horeesay oo Hey'ad Soomaaliyeed loo aqoonsado Hey'adda ugu dhaq dhaqaaqa badan Hey'addaha ka shaqeeya Arrimaha Samafalka Afrika, isla markaana lagu Guddoonsiiyo Abaalmarinta  Africa Achievers Award 2013.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya