4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2013
Madaxda Ururka Midowga Afrika oo Maxkamadda dambiyada ICC ugu baaqay inaysan u yeeri karin Mas’uul Afrikaan ah oo xil haya


Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Shirkii madaxda ururka Midowga Afrika ayaa lasoo gaba-gabeeyey iyadoo go'aanadii kasoo baxay ay ka mid yihiin in madaxweyne ama ku xigeen Afirkaan ah aan looga yeeri karin maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC, lana xushmeeyo mudada ay xilka hayaan.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn oo ah shir guddoonka ururka Midowga Afrika oo gabagabadii kulanka hadlay ayaa sheegay in dhaqamada maxkamadda caalamiga ah ee ICC uu yahay mid aan loo duqaadan karin.

“Hubaashii waxaa ayaan-darro ah in maxkamaddu ay sii waddo howlaheeda iyadoo aan tixgelin wal-walka aan qabno. Waxaana wax lala yaabo ah inay u dhaqanto maxkamaddu ay cadalaad-darro ku jarribtay Afrika, middaas oo ah mid aan la aqbali karin,” ayuu yiri Desalegn.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sii hadlayay ayaa wuxuu sheegay in madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ay door wanaagsan ka ciyaareen dastuurkii dalka Kenya iyo doorashooyinkii ku xigay ee ay iyagu kusoo baxeen, ayna tahay in la tixgeliyo dimuqraadiyadda ay kusoo dabbaaleen dalkooda iyo guusha ay gaareen.

“Ujeeddadeennu ma ahan inaan dagaal la gano maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC, basle waa baaq aan u jeedinayno, taasoo ah in walwalka Afrika ay maqasho,” ayuu ku daray hadalkiisa ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ayaa waxay sannadihii lasoo dhaafay qaaday dacwooyinka madax ka tirsan kuwa Afirka, iyadoo xukun 50-sano ah ku ridday madaxweynihii hore ee dalka Laybeeriya, Jarles Taylor oo lagu soo oogay dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada.

Dhanka kale, maxkamaddu waxay dambiyo ka dhan ah bani’aadamniada ku soo rogtay madaxweynaha dalka Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir oo ay ku bixisay maxkamaddu amar in lasoo xiro, inkastoo uu isagu ku gacan-sayray inuu u hoggaansamo amarka maxkamadda.

Sannadkan ayaa waxay maxkamaddu ku howlanayd dhageysiga dacwadaha loo haysto madaxweynaha iyo ku xigeenka dalka Kenya, kuwaasoo lagu soo oogay dacwado ka dhan ah bani’aadamnimada oo sannadkii 2007 ka dhacay dalka Kenya. Iyadoo dhageysiga dacwadda Ruto ay maxkamadda ka socota, halka dacwadda Kenyatta la filayo inay billlaabato 12-ka bisha soo socota ee November.

Dacwadahan ayaa waxay madaxda Midowga Afrika ka muujiyeen walaac aad u weyn, iyadoo waxa keliya ee la sugayo ay tahay jawaabta ay arrintaan ka bixiso maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya