Guddiga Gurmadka Deg-degga Jaamacadda Muqduisho baaq ka soo saaray Fatahaadaha iyo Duufaantii Puntland (SAWIRRO)


Axad, November 17, 2013 (HOL) — Guddiga gurmadka deg-degga ah ee Jaamacadda Muqdisho oo ka mid ah jaamacadii ugu horreeyay ee dalka laga hirgeliyo ayaa waxay shaacisay inay hiil iyo hooba la garab-taagan tahay walaalahooda ku dhibaatoobay fatahaadihii iyo duufaantii ka dhacday dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay jaamacaddu soo saartay ayay ku sheegtay in maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen qaybo ka mid ah dalkeena fatahaado iyo duufaano xooggan kuwaasoo gaystay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyadeed.

Munaasabad ay isugu yimaadeen maamulka Jaamacadda, macalimiinta, ardayda iyo shaqaalaheeda ayaa 16/11/2013 lagu qabtay xarunta ay ku leedahay  Jaamacadu magaalada Muqdisho, kulankaas oo ahaa mid loogu ururinayay dadkaas dhibaatooyinku gaareen tabarrucaad.

Tabarucaaddan ayaa lagu wadaa in loo qaybiyo dadkii waxyeellooyinka kala duwan ay kasoo gaareen fatahaaddii webiga Shabeelle uu ka geystay qaar ka mid ah deegannada gobolka Shabeellada dhexe iyo duufaantii ka dhacday xeebaha Puntland.

Ugu horreyn waxaa kulanka khadka taleefoonka hadal uga jeediyay Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar oo ah guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho  oo howlo shaqo dalka dibaddiisa ugu maqan iyadoo hadalkiisa laga dareemayay damqasho uu ka damqanayo muusoobiyinkii ku habsaday dad fara badan oo Soomaaliyeed.

"Burburka ka dhacay waa burbur xoog leh oo aan dhawaanahan ka dhicin dalkeenna, maalmahaan oo kale ma aha maalmo la shaqeeyo ama wax kale la qabto, qof kasta oo wax haysta waxaa habboon inuu gacan ka gaysto sidii uu u caawin lahaa walaalaha Soomaaliyeed ee dhibku ku dhacay, waxaana kula dardaarmayaa, ardayda, hawl-wadeennada, macalimiinta iyo weliba shaqaalaha Jaamacadda waxay diyaar u yihiin inay wixii awooddooda ah ay geystaan sidii ay u caawin lahaayeen walaalahood,” ayuu yiri Dr. Cali Sheekh Axmed,

Sidoo kale, waxaa isaguna kulanka ka hadlay Sheekh Cabdul-xayi Sheekh Aadan oo ka mid ah culummada Soomaliyeed macallinna ka ah Jaamacadda Muqdisho wuxuu bulshadda Soomaaliyeed ku boorriyay inay xoolahooda ku taakuleeyaan walaalahood si uu Illaahay ajar fara badan ugu siiyo; isagoo u duceeyay mujtamacaa Soomaaliyeed inuu Ilaahay dhibkaas ka dul-qaado.

Munaasabadda waxaa isagana hadal ka jeediyay madaxa guddiga gurmadka deg-degga ah ee Jaamacadda Muqdisho, Dr. Max’ed Xuseen Ciise (Liibaan) oo ku hal-qabsaday maahmaahdii Soomaliyeed oo oranaysay (Ayax tag eelna reeb) taasoo uu ula jeeday duufaanta iyo biyahan ku dhuftay qaar ka mid ah gobolladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay reebi karaan cudurro badan oo dhibaatooyin fara badan u geysan kara dadkii dhibaatadu gaartay; codsaday in lala damqado oo aan lala duubnaado walaalahaas Soomaaliyeed laguna caawiyo wixii la awoodo.

Waxaa isna goobta ka hadlay ku-xigeenka ahna hormuudka kuliyadda wax-barashadda ee Jaamacadda Muqdisho, Dr. Cabdullaahi Abuubakar Sheekh Xuseen isagoo yiri: "Jaamacadda Muqdisho ma ahan markii ugu horreysay ee ay hawlahan oo kale qabato wuxuuna ku boorriyay macallimiinteeda iyo ardayda inay is-garab-istaagaan walaalaha dhibaateysan oo ay kaalintooda kasoo dhalaalaan."

Baaq ay soo saartay Jaamacadda ayaa waxaa munaasabadda ka akhriyay, Cabdulqaadir Abuubakar Sheekh Xasan (Weeha) xog-hayaha guddiga gurmadka deg-degga ahna hormuudka kuliyadda dhaqaalaha isagoo yiri: "Jaamacadda Muqdisho waxay ka tacsiyadaynaysaa dhammaan dhibkii ka dhashay musiibooyinkaas, Allena waxaan ka baryaynaa inuu u naxariisto intii ku dhimatay intii ku dhaawacantayna uu caafiyo hantidii ku baaba'dayna uu wax ka khayr badan ku bedelo."

BAAQ:

Jaamacadda Muqdisho waxay ugu baaqaysaa dhammaan inta uu Ilaahay wax siiyay iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay si gacan furraan iyo deg-deg ah uga qayb-qaataan gurmadka iyo badbaadinta walaalahooda ku waxyeellobay dhibaatooyinka dhacay.

Sidoo kale Jaamacaddu waxay ugu baaqaysaa guud ahaan beesha caalamka, gaar ahaan hay’adaha samafalka inay u gurmadaan dadkan dhibanayaasha ah.

Ugu dambayn jaamacadda Muqdisho waxay Ilaahay ka baryaysaa inuu ka dulqaado guud ahaan dadka Soomaaliyeed dhibaatada, gaar ahaan dadka ku waxyeelloobay daadadka gobolka Shabeellada Hoose iyo duufaantii dhawaan ku dhuftay deegaannada ku yaalla bariga Puntland.





Gudiga gurmadka deg-degga ah ee Jaamacadda waxaa lagala soo xiriiri karaa +252-699-725228 ama +252-616-340111.

Wixii tabarucaad ahna waxaa lagu shubi karaa akoonada hoos ku qoran :

DAHABSHIIL Bank ACC # MUQ-D0008555

SALAAM Bank ACC# 30032889

EVC Plus 616340111

E-Maal 699725228

Guddiga Gurmadka Deg-degga ah ee Jaamacada Muqdishu,

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya