Dagaallo khasaare nafeed geystay oo ciidan kawada tirsan kuwa Somalia ku Dhex-maray Gobolka Shabeellada Hoose

Axad, November 17, 2013 (HOL) — Ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa waxay dagaallo culus maanta ku dhexmareen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo lasoo sheegayo inay khasaare xooggan ka dhasheen dagaalladaas.

Deegaannada ay dagaalladu ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah Lambar 50 iyo deegaanka Buufoow oo ku dhow degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, waxaana dagaalladan ay ku fideen deegaanno ka tirsan gobolkaas.

“Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ay hoggaaminayaan saraakiil sarsare ayaa saakay soo weeray deegaanka Lambar 50, laakiinse waan iska difaacnay, balse mar kale ayay soo rogaal celiyeen qaybo ka mid ah deegaanka gacanta ku dhigay,” ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka lambar 50.

Sidoo kale, guddoomiyaha deegaanka Lambar 50 oo la hadlayay saxaafadda xilli uu dagaalku si xooggan u socday ayaa sheegay in dad badan oo rayid ah ay ku dhinteen, balse khasaaraha aan hadda si rasmi ah loo sheegi karin.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Lambar 50 ayaa warbaahinta u sheegay inay arkeen maydadka lix ka mid ah dhinacyadii dagaalamay, dagaalkuna uu u fiday dhinaca deegaanka Muuri oo u dhexeysa Lambar 50 iyo Afgooye.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo Jen. Gaafow oo isna ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in dagaalkan uu ahaa mid ay ciidamadu kaga hortagayaan kuwo isbaarooyin dhigta jidka isku xira Muqdisho iyo Shabeellada Hoose.

Jen. Gaafow ayaa sheegay in ciidamadan ay rasaas ku fureen ciidammo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo ku socday degmada Jannaale taasoo keentay inuu dagaalka oo weli socda uu qarxo, isagoo xusay in dhankooda ay kaga dhinteen laba askari saddex kalena uu dhaawac kasoo gaaray, isagoo sheegay in dhinaca kalena ay ka dileen ilaa hadda afar ruux.

Dhanka kale, laba askari oo madani ah ayaa ku dhintay shan kalena waxaa kasoo gaaray dhaawacyo kala duwan, kaddib markii ciidammo ka tirsan kuwa milateriga Soomaaliya ay rasaas ku fureen ciidamo watay gaari caasi ah oo marayay deegaanka Buufoow oo ku dhow degmada Marko.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la sheegay inuu ku jiro guddoomiye ku xigeenkii dhinaca maaliyadda ee degmada Marko, kaasoo dhaawiciisa la dhigay isbitaalka degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya