Ciidamadii ugu Horreeyay lagu Tababbaray gudaha Somalia oo Maanta lagu dhaariyay Xarada Ciidamada Jaziira (SAWIRRO)


Axad, November 17, 2013 (HOL) — Ciidamadii ugu horreeyay oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu tababaro gudaha dalka Somalia ayaa maanta lagu dhaariyay xerada Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho.

Munaasabadda dhaarta ayaa waxaa joogay ka ahaa wasiirka gaashaandhigga Somalia, C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo ay wehliyeen ku xigeenkiisa, Jen.Axmed Maxamuud Carab, taliyaha ciidamada xooogga, Jen. Daahir Aadan Cilmi, abaanduulaha CXDS, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi iyo qaar ka mid ah saraakiil ciidamada XDS iyo kuwo ka socday AMISOM.

Intii ay munaasabaddu socootay ayaa waxaa suugaan iyo ruwaayado ka hadlayay doorka ciidamada xoogga dalka ka qaataan badbaadinta shacbiga kusoo bandhigay fannaaniinta kooxda horseed ee ciidanka xoogga dalka.

Gen.C/risaaq Khaliif Cilmi abaanduulaha ciidamada XDS oo munaasbadda ka hadlay ayaa xusay in la diyaariyay lana soo gabagabeeyay buug ka hadlaya shuruucdii lagu hagayay anshaxa ciidamada xoogga dalka, isla markaana ay muhiim tahay in askari kasta ee ka tirsan ciidamada xoogga uu ka dhabeeyo dhaartii uu madaxda hortooda ku dhaartay Ilaahna uga baqo wax kasta oo dhibaato u keeni kara sharafta ciidamada qalabka sida iyo ummadda.

Sidoo kale, waxaa isaguna ka hadlay goobta taliyaha ciidamada xoogga, Jen. Daahir Aadan Cilmi isagoo ciidamadii maanta la dhaariyay ku baraarujiyay in looga baahan yahay inay kalsooni ka helaan shacabka Soomaaliyeed oo ay u adeegayaan; isagoo farta ku fiiqay in askari kasta uu xafido sirta ummadda uu u adeegayo iyo qalabka uu Qaranku ku aaminay.

Wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Soomaaliya, Jen Axmed Maxamed Carab oo isna hadlay ayaa ka dalbaday askarta inay ku dadaalaan sidii ay magaca ummadda Soomaaliyeed u dhowri lahaayeen; ayna mar walba ku fikiraan sidii danahaooda gaarka ah ay uga horumarin lahaayeen danta guud.

 Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda dhaarta ah hadal dheer ka jeediyay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Faqi sheegay in Al-shabaab ay cadow ku yihiin ummadda Soomaaliyeed waxa kaliya ee lagu dabar-jari karana ay tahay awoodda ay leeyihiin ciidamada qalabka sida; wuxuuna ku dhiiri-geliyay ciidamada la dhaariyay inay ka qayb qaataan dadaallada lagu xoreynayo gobollada ay haatan ku sugan yihiin Al-shabaab.

Ciidamadan maanta la dhaariyay oo tiradoodu ahayd 1,000 Askari ayaa waxaa dhawaan tababarka u soo xiray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kuwaasoo muddo bilooyin ah ku qaadanayay tababar gudaha dalkooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya