4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2013
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland oo Dilal ku Xukuntay Dad ku Eedeysnaa Dilkii Sheekh C/qaadir Gacmey

Khamiis, May 23, 2013 (HOL) —Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riddey eedaysaneyaal loo soo qabtay dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax – oo bishii lasoo dhaafay ee Febaraayo- lagu diley magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Eedeysaneyaasha la xukumay oo tiradoodu ay todoba qof tahay, waxaa maxkamadda joogey labo kamid ah, halka shanta kale iyaga oo maxkamadda ka maqan uu xukunku ku dhacay.

Labada qof ee maxkamadda joogey ayaa kala ahaa: Cabdiraxman Xuseen Jaamac Bile – oo isagu ku eedeysnaa dilka sheekha- iyo Cabdulaahi Cismaan Axmed oo isna la sheegay in uu gacan weyn ka geystey dilka sheekha.

Shanta qof ee kale ee iyaga oo maqan la xukumay ayaa kala ahaa:

  1. Mowliid Maxamed .
  2. Shaqalle Xasan Haybe.
  3. Buuni Maxamed .
  4. Maxamed Cabdillaahi Ilka-case.
  5. Iyo nin magaciisa lagu soo koobay Shiine.

Gudoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay in eedeysaneyaasha uu xukunku ku dhacay ay haystaan muddo bil ah, taasoo ay maxkamaddu fursad u siineyso in xukunkaas ay rafcaan kaga qaataan.

Bishii Febaraayo ee lasoo dhaafay 15-keedii ayey ahayd markii AHN Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo kamid ahaa culimada waaweyn ee dalka lagu toogtey masjidka Beder ee magaalada Garoowe.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa 4-tii bilood ee u danbeeyey waxay xukunno dil u badan ku ridey dad 20 kor u dhaafaya, kuwaas oo dhowaan 13 kamid ahaa lagu toogtey duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya