4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2013
Dowladda Uganda oo wada qorshe ay ku doonayso in Waddamada Afrika ay go’aan uga qaataan Maxkamadda ICC


Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa waxay waddaa olole ay ku doonayso in dalalka Afrika ay go’aan cad kaga qaataan maxkamadda dambiyada dagaalka caalamiga ah ee ICC, taasoo ay ku eedeeyeen inay bar-tilmaameed ka dhigato madaxda Afrika.

Hindisahan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dalal ay ka mid tahay Kenya oo madaxweynaheeda iyo ku xigeenkiisaba ay dacwad ka dhan ah bani’aadamnimadu kaga socoto maxkamadda dambiyada dagaalka ee caalamiga ah.

“Madaxda Afrika waa inay go’aan ka qaataan maxkamadda ICC oo inta badan beegsata madaxda Afirka, haddii kale waxaa imaanaysa in dal walba oo Afirkaan ha uu iskiis go’aan uga gaaro maxkamadda” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay dowladda Uganda.

Warbixintan ayaa waxaa la hordhigi doonaa maanta shirka ay wasiirrada arrimaha dibadda ee Afirka ku yeelanayaan magaalada Addis Ababa kaasoo gogol-xaar u ah shirka madaxweynayaasha Afirka oo dhaca 25-ka bishan May.

Dadaalka dowladda Uganda ayaa wuxuu u muuqdaa mid iyada keligeed ay qaadatay oo aysan la qabin dalalka kale ee Afrika, balse ay doonayso inay kaga dhaadhiciso in go’aankan ay la qaataan.

Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa waxay horay amar ugu bixisay in lasoo qabto madaxweynaha Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir uu galay dambiyo ka dhan ah bani’aadamnida, laakiin isagu wuu ku gacan-saray.

Dalka Uganda ayaa wuxuu ka mid tahay dalalka aqoonsan maxkamadda lana shaqeeya, iyadoo aan la ogeyn sida uu noqon doono go’aanka ay ku doonayaan inay dalalka Afrika fikir mideysan uga qaataan maxkamadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya