4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2013
Bannaanbax lagu taageerayay Mooshinkii ay Xildhibaannada Baarlamaanku ka laabteen oo Muqdisho ka dhacay (SAWIRRO)


Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Bannaanbax ay ka qaybagleen boqollaal qof iyo mas’uuliyiinta gobolka Banaadir laguna taageerayay dowladda Somalia iyo mooshinkii ay ka laabteen xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya. 

Dibadbaxyaasha oo ka kala yimid degmooyinka gobolka banaadir ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ku taageerayaan dowladda Soomaaliya iyo xubnaha baarlamaanka ee ka laabtay mooshinkii looga horjeeday xukuumadda.

“Waxaan ku faraxsannahay in dibadbaxan uu maanta ka dhaco Muqdisho iyo dowladda Soomaaliya, runtiina waa mid aan wanaagsanayn in xilligan laga keeno xukuumadda mooshin, taasoo dib u dhac ku keeni karto dhibaatadii horay looga soo gudbay,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xamar-weyne, C/llaahi Sahal Gar-dhuub oo ku hadlayay magaca guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa sheegay in looga baahan yahay xukuumadda Soomaaliya inay saxdo khaladaadka keenay in mooshin laga keeno, si looga fogaado in mooshin kale laga keeno.

Ku xigeenka guddoomiyaha gobolka Banaadir ee dhinaca nabadgalyada, Warsame Joodax oo isaguna la hadlay dibadbaxayaasha oo isugu soo ururay barxadda Sayidka ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in dadka ku nool Muqdisho ay muujiyaan sida ay ugu faraxsan yihiin mooshinkii xukuumadda laga keenay ee laga laabay.

 

“Xilligan looma baahna in mooshin laga keeno xukuumadda, waayo wuxuu wax u dhimayaa horumarka ay xukuumaddu gaartay,” ayuu yiri Joodax oo ku daray hadalkiisa in maamulka gobolku iyo shacabka ay si isku mid ah u soo dhaweynayaan ka laabashada mooshinkaas.

Afhayeenka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf oo isaguna la hadlay dadkii dibadbaxa dhigayay ayaa sheegay inay waddaniyad muujiyeen shacabka ku nool gobolka Banaadir, isagoo sidoo kalena hamblayo u diray AMISOM iyo ururka Midowga Afrika.

“Ciidamada Midowga Afrika wax weyn ayay ka qabteen dalkeenna, hambalyo ayaan u diraynaa iyaga iyo ururka Midowga Afrika oo sabab u ahaa in dalka ay yimaadaan si ay u taageeraan shacabka iyo dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka gobolka oo ugu baaqay shacabka inay qayb ka qaataan dib u soo celinta amniga caasimadda iyo dib u dhiskeeda.

Mas’uuliyiinta ka hadlay dibadbaxa ayaa waxaa ka mid ahayd guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir, Jawaahri Baarqab oo sheegtay in shacabku ay taageersan yihiin waxqabadka xukuumadda, taasna ay tahay midda maanta ay isugu yimaadeen shacabka Muqdisho si ay shucuurtooda u muujiyaan.

Dadweynaha dibadbaxa dhigayay ayaa waxay socod kusoo mareen xaafado ka tirsan Muqdisho, iyagoo ku qaylinayay erayo ay ku taageerayaan dib uga laabshadii mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda Soomaaliya.

Bannaanbaxan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalin ka hor Muqdisho lagu qabtay dibadbax kale oo lagu taageerayay isla xukuumadda Soomaaliya dadka ku nool Muqdisho shana ay ku dalbanayeen in laga laabto mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda Soomaaliya.





 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya