4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2013
Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo si adag u Cambaareeyay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa

Isniin, Maarso 18, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa si adag u cambaareeyay weerrrkii Ismiidaaminta ahaa maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen in ku dhow 10-qof, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed uu soo saartay ku sheegay in in qaraxii maanta uu ahaa kii ugu xumaa ee in muddo ah ka dhaca magaalada Muqdisho, isagoo ku tilmaamay xasuuq loo gaystay shacbi Soomaaliyeed oo an waxba galbsan.

“Aad ayaan u cambaaraynaynaa falkaas gumaadka ah, waa wixii Al-shabaab lagu yiqiinnay ee ay shacabka Soomaaliyeed ku gumaadayeen. dhammaan dadkii ku dhintay tacsi ayaan u diraynaa intii dhaawacyadu kasoo gaareenna caafimaad deg-deg ah ayaan u rajeynaynaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa ugu baaqay ciidamada ammaanka dalka inay habeen iyo maalin u taagnaadaan sugidda ammaanka shacabka iyo cid kasta oo jlicsan, isagoo sheegay in Al-shabaab lagula xisaabtami doono dhib kasta oo ay shacabka u geystaan.

Dhanka kale, warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Prof. Jawaari ayaa lagu sheegay in weerarka uu ahaa mid bahalnimo oo ay maanta maleeshiyaadka argigixisada ah ku xasuuqeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, iyadoo dhanka kalena uu gudoomiyaha tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada dadkii ku geeriyooday weerarkaas.

“INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN, runtii waxaan dhacdadan waa mid murugada iyo xanuunka leh, waxaana xanuunkaas la wadaagaynaa shacabka Soomaaliyeed.Runtii falkan wuxua ahaa cadawtooyo ah oo aad u xun,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu falkan ku tilmaamay mid aan sal iyo raad ku lahayn diinta Islaamka laguna dilay dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan. Dadkii goobtaas ku dhintay intoodaba badanna ma ahayn kuwo la safan dhinac gaar ah ama siyaasadda lug ku leh.

“Waxaan cadeynaynaa in uu yahay mid muujinaya cadaawadda ay kooxaha argigixisada ahi u qabaan shacabka Soomaaliyeed oo ah inay nabadda iyo hormarka u diidan yihiin,” ayuu Prof. Jawaari hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, afhayeenka baarlamaanka wuxuu shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay inay meel uga soo wada-jeestaan cadawgooda isla markaana ay ka hortagaan falalka noocan oo kale ah eek u dhisan cadownimada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya