4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2013
Faahfaahin ku saabsan weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Muqdisho ka dhacay iyo Al-shabaab oo sheegtay (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 18, 2013 (HOL) — Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ismiidaamin ah oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Xarakada Al-shabaab, waxaana ku dhintay 10-qof oo isugu jiray shacab iyo askar ka tirsan ciidamada dowaldda Soomaaliya.

Weerarka ayaa waxay sheegayaa in taliyaha ha’yadda nabad-sugidda gobolka Banaadir, Col. Khaliif Axmed Ereg uu ku dhaawacmay qarxaas lana dhigay isbitaal ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin xerada Xalane ee Muqdisho.

Saraakiil u hadlay ciidamada dowladda ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid aad culus, iyagoo sheegay in dadka dhintay tiro ka badan ay dhaawacyo soo gaareen, waxayna xuseen in weerarkan uu ka mid yahay weerarrada ay Al-shabaab ku dhibaateynayaan shacabka.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaas iyada soo abaabushay ayna la beegsatay taliyaha hay’adda nabadsugidda oo ay sheegtay inay ku dhaawacday, waxayna weerarka ku sheegtay mid loogu aargudayay dad lagu laayay degmooyinka Muqdisho.

Weerarkan ayaa wuxuu ka noqonayaa kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Muqdisho, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay si wanaagsan uga soo shaqeysay weerarka ayna sii wadi doonaan weerarrada noocan oo kale ah.

Madaxda ugu sarreysa dowladda ayaan ka hadlin weerarkan, wuxuuna kusoo beegmayaa xilli isbedel lagu sameeyay taliyeyaashii ciidamada xoogga dalka, madaxweynuhuna uu sheegay in Al-shabaab lagu jabiyay dagaalladii ay kula jireen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Tan iyo markii Al-shabaab ay isaga baxday Muqdisho waxay ka fulinayaan gudaha caasimadda weerarro ismiidaamin ah oo intooda badan ka dhaca meelaha ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya