4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo Faahfaahin ka bixiyay safar uu ku tagay Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)


Talaado, July 09, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wafdi uu hoggaaminayo oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho kaddib safar ay ku tageen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa ka warbixiyay safarkooda, isagoo sheegay in waxybaahihii uu kala hadlay shacabka ku nool degmadaas ay isku afgarteen.

Mudane Saacid iyo wafdi uu hoggaaminayay oo isugu jira xildhibaano iyo wasiirro dowladda ka tirsan ayaa waxay magaalada Baydhabo joogeen laba maalmood, waxaana uu kulankooda qayb ka ahaa wadatashiyo ay dadka ku nool gobollada Bay iyo Bakool la yeelanayeen.

“Safarkan wuxuu ka mid ahaa safarradii aan ku tagaynay gobollada dalka oo dhan oo aan ku dhageysanaynay fikradaha shacabku qabaan, safarkaanna wax badan ayaan ka barannay, raalli ayaana ka nahay sida dadka ku nool gobolka Bay ay isugu tashadeen ayna diyaarka ugu yihiin inay aayahooda ka tashadaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo garoonka Muqdisho kula hadlayay warbaahinta.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Baydhabo ay sameeyeen iskaashi buuxa, taasoo uu xusay inay aad ugu farxeen ayna raalli ka yihiin sida howlahooda uga wadaan degmadaas iyo kuwa kale ee gobolka.

“Kulammo ayaan lasoo yeelanay shacabka degmada Baydhabo ku nool iyo malaaqyada; waxaana ka dhageysannay wixii ay qabeen, raalli ayaana ka nahay wixii ay soo jeediyeen oo dhan, innaguna waxaan u sheegnay waxa ay dowladdu ka qabto maamul u sameynta dalka iyo federaalkiisimka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in kulammadii uu Baydhabo kula yeeshay waxgaradka gobollada Bay iyo Bakool kasoo jeeda uu ka xusi karo kulan uu la yeeshay 62 malaaq oo kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirfle, ayna kawada hadleen sidii loo xasilin lahaa dalka iyo sidii federaalisimka loo hirgelin lahaa, wixii aan kawada hadalnay oo dhanna waan isku afgaranay.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in safarkiisan uu qayb ka yahay safarro uu ku tagayo dalka oo dhan, isla markaana ay ku doonayaan in dadka Soomaaliyeed ay ka dhageystaan fikradahooda ku aaddan xasilinta iyo hirgelinta federaaliisimka.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya