4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofurta Suudaan (SAWIRRO)


Talaado, July 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Suudaan, isagoo u jeediyay khudbad uu kula dar-daarmay Jaaliyadda.

Xasan Sheekh ayaa waxaa ku wehliyey kulankan safiirka Somalia ee dalka Koonfurta Suudaan, Cabdiraxmaan Nuur Maxamed (Diinaari), xildhibaanno Soomaaliyeed, la-taliyeyaal iyo mas’uuliyiin kale.

“Mar walba oo aan la kulmo madaxweynaha, Salva Kir waxuu ii sheegaa in jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggen Koofurta Suudaan ay yihiin jaaliyad ku dayasho mudan oo ay wax weyn kusoo kordhiyeen dalka. Ammaantaas waa mid aad u soo hoyseen dhammaan shacabka Soomaaliyeed, taasna amaan ayaad ku hesheen ee dadaalkaas sii wada. Waxaan ogahay inaad dalkan aad maal-gashi xoogan ku sameyseen, waana inaad ahaataan mar walba kuwo si wadajir ah wax u qabsada,” ayuu madaxweynuhu ku yiri jaaliyaddii uu la kulmay.

Isagoo sii hadlaya ayaa yiri: “Sharafkan iyo karaamadan aad u soo hoyseen shacabka Soomaaliyeed waxaa jiri kara in kooxaha Al-Shabaab ay idin soo dhex-galaan ee fadlan yaan qabiil iyo cabsi lagu difaacin ee hala iska qabto, hana loo gudbiyo hay’adaha ammaanka Koonfurta Sudan, waayo fikirkooda waa mid lid ku ah horumarka ay shacabka Soomaaliyeed ay gaareen.”

Sidoo kale, wuxuu sheegay madaxweynuhu inuu madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir uu kala hadli doonaa sidii ganacsigiinna loo xoojin lahaa iyo sidii safaaradda loo siin lahaa dhul ay xafiis ka dhigato.

Madaxweynaha Soomaaliy ayaa maanta ka qeybgeli doona munaasabad loogu dabbaal-dagyo sannadguuradii labaad ee kasoo wareegtay markii ay xorriyadeeda ka qaadatay dalka Suudaan.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya